Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xukunadi Yaabka Lahaa Ee Amiir Qarqoosh .. Meydki Noolaa

Saturday - Feb 13, 2021



Wiil Caasi ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah damcay in uu khaarajiyo Aabihii oo ahaa maal-qabeen, balse bakhaylna lagu tilmaami jiray .. Wiilki waxa uu hunguri ka galay in uu dhaxlo xoolaha aadka u badan ee aabihii leeyahay dabadeed Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu aabihii xanuunsaday, kaddib waxa uu is tusay in uu fursaddaas bukaanka odayga ka faa’iidaysto .. Wiilki Inta uu u tegey dhowr saaxiibbadii ka mid ah oo xumaanta ku taageersanaa ayaa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo aasi lahaa aabihiisa buka oo nool.

Sidii ayaa ay yeeleen oo wiilkii iyo saaxiibadii inta ay odaygii Naxash ku rideen ayaa ay qaadeen si ay u soo aasaan .. Amiirkii Qaraqoosh oo indha indhayn magaalada ku maraya ayaa si kedis ah uga soo horbaxay nimankan maydka sida .. Odaygii maydka laga dhigayey oo aan is qaadi karin xanuunka haya awgii, laakiin hadalkiisu sax-yahay, ayaa nimanka Naxashka ku siday ka maqlay in qofka ka soo hor baxay uu amiirkii yahay. Odaygii inta uu madaxa la soo kacay ayaa uu u qayshaday amiirka, oo yiri “Caddaalad iyo naxariis” 

Amiir Qaraqoosh ayaa maqlay, waxa uu askartiisii amray in maydka la joojiyo oo Naxashka dhulka la dhigo, marada la saarayna laga qaado. Kaddib odaygii naxashka ku jiray iyo raggii sidayba waa uu waraystay .. Odaygii ayaa hadlay oo sheekadii ka warramay, waxa aanu sheegay in wiilkiisani isaga oo nool aasayo si uu xoolihiisa u qaato.

Wiilkiina waxa uu ku dooday in aabihii la wada garanayo oo uu weligiiba ahaa nin aad u kulul oo ku ad-adag carruurtiisa. Waxa uu ku andacooday oo yiri “Boqoroow, waa aan kuu xaqiijinayaa in odaygani uu Mayd yahay. Sababta uu qayladan u samaynayaana ay tahay keliya in uu dhibaato iyo culays i geliyo. Waxa uu doonayaa in geeridiisa kaddibna uu ii dhibo sidii uu ii dhibi jiray markii uu noolaa.

Amiir Qarqoosh, halkii war kale laga sugayey, ayuu yiri: ‘Haddii laba qolo is qabsadaan, marag iyo dhaar ayuun baa lagu kala saaraa. Markaa marka koowaad Odayoow adiga ayaan ku weydiinayaa ee marag ma u haysataa in aad nooshahay .. Odaygii oo yaabban ayaa yiri, imika qof aan ahayn adiga iyo nimanka aanu is haynay goobta ma joogo, sidaa awgeed marag haddaydaan idinku ka ahayn noloshayda marag kale ma haysto .. Amiirki Qarqoosh Wiilkii ayuu ku jeestay, ‘waar markhaati ma u haysataa in aabahaa mayd yahay?! Wiilkii ayaa inta uu farxay yiri, “Haa amiir, waa kuwan ee waraysi kooxdan ila socotay oo dhan” Waa saaxiibbadii ee markiiba waxa ay la boobeen marag beenaalihii. Oo mid kastaa wuxuu yiri, ‘Boqoroow, annaa og oo odaygani waa mayd.”

Boqor Qarqoosh inta uu cababar aamusay oo xukunkii uu ka fikiray ayaa uu go’aankiisii riday oo yiri: “Arrintu waa ay dhan tahay, Qof keliyi marag isuma noqon karo, dhinaca kalana waxa uu keenay marag ka badan xitaa labadii looga baahnaa. Sidaa awgeed waxaa caddaatay in odaygani uu Mayd yahay” Qaraqoosh waxa uu intaas ku sii daray, “Waar ninkan hore u Aasa, haddii aynu sii deyno oo dadku maqlaan, cid dambe ma oglaanayso in la aaso ee”