Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

ILaah Ha Ina Hareer Mariyo Balaayooyinka Ka Dhaca Aduunka .. Nin U Dhashay Dalka Ruushka Oo Lagu Xukumay Xabsi Daaim Ka Dib Markii Lagu Helay Inu Dilay Kadibna Cunay 3 Nin Oo Ay Saaxiibo Ahaayeen

Sunday - Feb 14, 2021



Ninka la yiraah Eduard Seleznev oo ah 51-jir, kaa soo jeeda degaanka Arkhangelsk oo dhacda gobolka woqooyi galbeed ee Arkhangelsk Oblast, ayaa saaxiibadii qashay intii u dhaxaysey Maarso 2016 ilaa Maarso 2017 sida dacwad oogayaashu soo xaqiijiyeen.

Ninkan Seleznev ayaa Maxkamada sare ee Ruushka ka hor qirtay inuu tooreey ku dilay saaxiibadii kaddib markii ay hurdeen iyagoo cabsan, isagoo xusay inuu karsaday ka dibna cunay hilib-koodii.

Ninkan ayaa ragga uu qashay hilibkooda jar-jaray, isagoo qeyb ka mid ah ku kaydsaday baco iyo qaboojiye, halka wixii soo harayna uu ku daadiyey webi magaalada ku yaalla.

Kiiskan ayaa argagax iyo fajac ku riday dad badan oo ku dhaqan dalka Ruushka taaso si weyn u qabsaday warbaahinta caalamka saacadihii la soo dhaafay.