Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Qiiraa Taagan .. Alamtarana Soo Dhaaftay .. Mogdisho Oo Ku Hafaneysa Duufaan Kacdoon .. Ciidamo Taagersan Musharaxiinta Oo Talabo Afgambi Qaaday .. Doqon Qaaraha Ku Dhacaya Wey U Qalanta

Thursday - Feb 18, 2021



Ciidamo gurguuranaya ooda soo jabiyey kana tirsan milatariga dawlada laakiin taageersan Mucaaradka musharaxiinta ayaa la xaqiijiyey iney la wareegeen Tarabuunka illa No. Km 4, waxaana ciidamadaan hogaaminaaya Taliyihi hore ee ciidanka Danab Korneyl ismaciil Cabdi Maalik oo ah Ree Daynille, isla markaa waxaa isagana nabadgalyada Meydaanka Daljirka-Daahsoon la wareegay Jeneral Indhacade oo weli ku si siqaya goobo badan oo ka mida Boondheere iyo nawaaxigeeda .. Kaftanki laysla soo dhaaf

Taliye Ismaciil Maalik wuxuu xalay la wareegay ciidamo ka tirsan kuwa dawlada, wuxuuna galabta Makhrbki u soo ruqaansaday dhinacaas iyo Degmada Hodan iyagoo saldhig ka dhigtay Tarabuunka iyo Isgoyska No. KM-4 .. warar kale ayaa sheegaya iney jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dawlada ay diideen iney xiraan wadooyinka magaalada qaarkood.

Sido kale waxa la xiganaya in qaybo ka mida golaha wasiirada xukumada ay ka gadoodeen qaabka ay xukumadu u maareyneyso mudaaharaadka mucaaradka isugu soo baxayaan .. beri oo jimca ah waxaa lagu balansanyahay mudaahraad looga soo horjeedo madaxweyne xilkisu dhamaaday ee farmajo.

Dunidu muddo dheer ayey iska dhego-tireysey khasaaraha aan la qaadi-karin ee muranka doorashada, taasoo ay ka dhalatay Runti iyo aqoonti oo la dumiyo, isla markaana Mucaaradki Musharaxiinta ay durba bilaabeen qorsho iyo duulaano cusub oo ay ku ridayaan dawlada Farmajo ee maamusha oo kaliya meelo kooban oo dalka ka mida .. Sida xogta lagu hayo waxaa Mucaaradka taageera illa 5000 ciidamo isugu jira maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan milaariga, waxaa kalo hawlgalka mucaaradka la socda maliishiyaadka Ahlu Sunna Wal Jameeca, oo ah koox Islaamiyiin qunyar-socod ah oo Isbahaysi aan caga-badnayn la leh  musharaxiinta.

Tiro ugu badnaan Tobannaan kun gaareysa oo rayid ah ayaa la filaya in maalinta jimcaha ay ku soo aruuraan Meydaanka Daljirka-daahsoon, waxaana halkaas khudbado ka akhrin-doona inta badan Musharaxiinta Mucaardka oo iyagu ka dambeeya abaabulka banaan-baxa

Dad badan oo ay wareysatey Galdogob Times ayaa siyaalo isku mid ah u sharxey: In maanta ay soo dhaaftay sheeko waqti dheereysi iyo kiis iska waal iyo maxay saas u noqtay ..  waxay yiraahdeen Wadaanti waa lagu tuuray ceelki oo biyihi wey soo qaadeysa, iyado Darkii lagu shubi lahaa waa la dul taaganyahay .. waxay yiraahdeen Dibad-baxyada caynkan oo kale ah waxay keeni karto in ciidamo iyo maleeshiyaad wada socda ay la wareegaan talada degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Wardhigley, K13, Bar Ubax iyo Suuqa Bakaaraha.