Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Farmajo Oo Baneystay Inu Beebe Iyo Boobe-Ololaaya Ku Rixo Shacabi Banaan-Baxayey .. Shacabki Banaadir Dhoosha Ka Cartamaya Oo Yiri: Buntukh Baa Noo Xeera Iyo Boobe Dhaa-dhaa Leh

Friday - Feb 19, 2021



Mogdisho - Rasaas baa lagu buufiyey koox dibad-baxayaal ah oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday agagaarka koontoroolka KM4 .. labada dhinacba cidiyaha ayey ku dagaalamayaan oo uu midba midka kale isku dayo in u awoodiisa wax ku muquuniyo, kana dhigo wax aan awood lahayen 

Ciidammada ayaa rasaas ku kala eryay dibad-baxayaal ay hogaaminayee hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre .. Mucaaradka ayaa sheegay inay doonayaan inay dhigaan dibadbaxyo nabdoon, balse dowladda ayaa mamnuucday dibad-bayxada sababa la xiriira xannuunka Covid19.

Xaga kale, Mucaaradka ayaa doonaya in la qabta doorasho si deg deg ah .. Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February, Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn .. Dowladdu-se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.