Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Daad Baa Rogmaday .. Mogdisho Oo Ciil Deyn-Waayey Waxaa Ka Socda Abaabul Beeleed Oo Hubeysan

Saturday - Feb 20, 2021



Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa mar kale ku dhawaaqay hadal digniin culus digtoonow ah iyo in ay qaban-qaabinayaan banaan-baxyo nabdoon oo looga soo horjeedo Nidaamka waqtigiisu dhamaaday laguna dalbanayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah .. Shiikh Shariif oo ciil iyo caro ay wajigiisa ka muuqato iyo micyo is galay isago warbaahinta la hadlaayey ayaa ku baaqay in kaftan la isla soo dhaafay oo kor iyo hoosba la iska hor wareejin-doona Maxamed Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday, wuxuu kalo carabka ku dhuftay in Maxamed Farmajo gacanta ku soo qaatay sababihi u ku bixi-lahaa 

Dhinaca kale warar sugan oo naga soo gaaraya magaalda Mogdisho waxay afka ku dhufanayaan, balse hadal hayen lagu wardinaayo in u socdo qorshayaal abaabul beeleed hubeysan oo ay dhici-karto in maalmaha soo socda ay ibtilo ka qarxdo magaalada gudaheeda .. Warkaas oo loo badinaayo mid run ah waxaa la leeyahay waxaa la dajiyey qorsho isgu jira xirfado dagaalo toosa iyo mid dhumaaleysi ah oo ah ku dhuf oo ka dhaqaaq, sido kale waxaa la leeyahay waxaa la qorsheeyey khidado habeen madow la gudaayo oo la rabo in lagu khaarajiyo Raga sida tooska ah ula shaqeynaya Maxamed Farmajo, qorshahaasoo isugu jira afduub iyo dil.