Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore Ee Anbiyada .. Sidee ILaahay ibrahim SW Nabi Ibraahim Uga Badbaadiyey Dabki La Doonaayey In Lagu Halago

Monday - Feb 22, 2021


Dhacdadan… Kadib marki Nabi Ibraahim burburiyey Asnaamti gaalada oo la yiri ibraahimu dambiile ayaad tahay, waxa bilaabmatay in ay u diyaar garoobaan in ay gubaan nabi ibraahim (CS) warkaasina waxa uu ku fiday boqortooyada oo dhan ..Dadku waxay isaga yimaadan Miyi iyo Magaalo, buur iyo banaan, si ay goob-joog uga ahaadaan ciqaabta ninkan burburiyay illaahyadoodi Sanamyada ahaa kuna dheel-dheelaya Wadaad-Kuhaanadoodi .. Waxay qodeen god-weyn waxayna ka buuxiyeen xaabo iyo dhagaxaan waxayna ku huriyeen dab waxayna soo qaateen Wiish oo ah aalad awood u leh in ay ibraahim ku dhex tuurto dabka dhexdiisa .. ibraahim ayay ku xireen Wiishki, godkii ay dabeeyeen ololkii ayaa cirka isku shareeray, dadkuna way ka fogaayeen godka kuleelka dartii .. Wadaadadi-Kuhaankii ugu weynaa ayaa amar ku bixiyay in ibraahim lagu tuuro dabka.

Nabi Ibrahim, Waxa u yimi Malaku Jibriil oo madaxa iska soo taagay waxana uu weydiiyay oo yiri ibraahinow wax miyaad iiga baahan tahay, ibraahim waxa uu ku yiri adiga miyaa maya, Wiishki ayaa lagu sii daayay si uu ibraahim ugu dhex tuuro dabka, dabku wuu ka holcayay halkiisi, laakiin dabkii muu qaban dantii laga lahaa oo ay ahayd in uu gubo naba ibraahim, illaahay (SW) ayaana dabkii amar ku siiyay in uu ahaado “Qabow iyo nabadgelyo ibraahim u sugnaatay” .. ibraahim waxa uu fariistay bartanka Dabka si wixii u dhex fadhiyo Beer waxana uu ku tasbiixsanayay mahadnaqa rabigii qalbigiisana kamay banaaneen meel ay ka gasho cabsi iyo argagax kale .. qalbigiisa waxa ka buuxay jacalka illaahay oo kaliya.

Waxa soo fadhiisatay Wadaadadi-kuhaankii amarka bixiyay dadkoo meel fog ka soo eegaya, dabka kuleelka dabkuna waxa uu gaaray heer ay gaaladii u maleeyeen in ayna weligay bakhtiyeen, markii denbe uu bakhtiyay ayay arkeen ibraahim oo caafimaad qaba kana soo baxaya wajigiisana nuur ka wir-wirayo maryihiisuna ayana guban, manuu lahayn raadkii qiiqa iyo gubashada, ibraahim waxa uu uga soo baxay sidii wax uu beer ka soo baxay, waxa kale oo gargaaray baroortii u qaadan waagi kufaarta waana ay ku qasaareen, “Waxay la dooneen khiyaamo waxana aanu ka yeelnay kuwa khasaaray eeg (70)” Suuratul Anbiyaa.

Quraanku inagamuu waramin ibraahim markii u burburiyay sanamyada da’diisu inta ay ahayd kamana uu waramin sannadkii lagu amray in uu risaalad fuliyo, laakiin waxa quraanka ku cad ibraahim in uu ahaa nin dhalinyaro ah markii uu arintaa sameeyay.