Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 1 July 2025

Dhinacaad Ka Eegto Waa Dhafoor Qabad .. Ciidamada Liibiya Oo 150 Tahariibe Somali Ku Jirto Ka Soo Furtay Ma-gafeyaal Ku Hayay Xero Qarsoodiya

Tuesday - Feb 23, 2021



Ciidamada Amaanka Liibaya, oo weerar qorshaysan ku qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haween .

Hawlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay dhawr cisho ka hor oo ku beegan 16-kii Febraayo 2021, kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday Usbuucii lasoo dhaafay, iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in lagu xiro .

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal.