Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

ILa Qosol .. Dil Oo Ka Duceyso

Wednesday - Feb 24, 2021


Soomaalidu sida caadada ah, culimada diinta aad ayay u ixtiraamtaa, gaar ahaanna beryihii hore Soomaalidu xoog ayay wadaadka iyo hadaladiisa u tixgelin jireen .. Qadarintaasi culimada diinta la qadariyaana saddex arrimood ayay midkood salka ku haysaa:

1-Qaddarin lagu qaddariyo diinta Islaamka ee ay xambaarsan yihiin
2- In inkaartooda laga bqao inta ay nool-yihiin
3- Duco laga rabo- inta ay nool yihiin iyo baryo la baryo marka ay dhintaan! taaso shareecda aysan baneyn

Haddaba qolyo Soomaaliyeed oo meel degganaa ayaa sannad walba siyaaro u tegi jirey xabaalo ka durugsan oo uu ku aasnaa wadaad karaamo lagu sheegay. Waxayna halkaasi geyn jireen xoolo lagu soo qalo oo siyaaro ah! .. Qolyahaasi qabuuraha fog sannad walba tagi jirey, qabuuro ayaa duleedkooda ahaa. Waxa kale oo had iyo jeer soo martiyi jirey, wadaado xer ah oo kutubtooda sita.

Haddaba, nin ka mid ah beeshii meeshaasi taalley ayaa maalin su'aal keenay oo yiri,"Waaryaaya-he, maxaynnu sannad walba u tagnaa qubuuraha reer hebel ee aynnu xoola-heenna ugu soo qalnaa oo qabuura-heena innoo diidey?" .. Ninkii waxa loo sheegay, in aanay qabuurahooda ku aasnayn culimo. Sababta ay qubuuraha reer hebel u tagaan taasi tahay!

Dabadeedna, intuu ninkii cabbaar aamusnaa oo uu fikiray ayuu yiri, " Oo haddii arrintu sidaasi tahay, kuwan kutubta sita ee marti-nimada nagu dilay ; maynu mid dilno oo aasanno dabadeedna ka duceysano!!" .. Dil oo ka duceyso