Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Madaxweyne Farmaajo Bilaa Faataxo Aan La Mayrin Kafan Lagu Xirin Oo Qaawan Ayaa iilka La Dhigay .. Shirqoolki Naxariis Darada Ee Loo Maleegay Maxamed Farmajo

Friday - Feb 26, 2021


Wararka kulamada maxfalada siyaasada waqtigaan loogu hadal hayen badan-yahay ayaa u badan wararka la xariira heshiiki dhawaan dhex maray Riisal wasaarha somaliya Mudane Rooble iyo xubnihi ka socday Musharaxiinta, waxaana muuqata guud haan in la soo dhaweeyey heshiiskaas oo la yiri waa talaabo fiican oo lagu xakameeyey xiisadi taagneyd.

Wararka kalo oo garab socday sheekadaas ayaa ahayed cida ku guuleystay xarigi ay qoloba gees ka soo gunaday ee la isula yimid, taaso inta badan dadki ka dooday arintaas ay libinta guud siyeen mucaaradka Musharaxiinta oo yiraahdeen wixii la isula yimid waxay ahaayeen-ba ee muranka ka taagnaa guushi musharaxiinta ayey raacaday oo dalabkoodi inta badan ayaa loo fuliyey, balse warki Taliska ee ahayed Musharxiintow idin maqlimaayo ee iska haw-hawleeya run ahaanti wey isla rogtay, waxaana la soo darsay khasaaro culus oo murugana ku reebtay, waayo dawladu talo xumo awgeed iyo marki lala ciyaaray waxay qiratay danbigi dhacay oo dhan .. Riisal Wasaare Rooble waxaad mooda inta cunaha la qabtay u Xaar iyo Dhuuso ka wareegay oo siyaasadi guud ee Farmajo ka dhiga yacyacood aan la cuni-karin.

faaliyaasha sidaas qaba waxay ku doodayeen in maxamed Farmaajo u markasta iyo illa bilawgi u xilka qabtay waxaa fogeysay hawadiisa oo Qoob ka ciyaarkiisi siyaasadeed dhan wuxuu ku jiheeyey weliba si bareer ah dariiq kasta ha u mare inu xilka madaxtinimada mar labaad dib ugu hilaacdo, seeftana la helo wax kasta oo carqaladeyn kara mashruuciisa dib u soo laabashada illa u wadadi fashalka cagta saaray ileyn waa wax aan laga fiirsane

Waxay yiraahdeen, Maxamed Farmaajo, oo doorashadiisa aad loogu han-weynaa, balse mar dambe la ogaaday xil usan qaadi-karin, awood u lahayen lagula kufay, kaliya laga dhaxlay kitaab Qumane qoorta loo suray cid uu wax ka maqlaayana aysan jirin, isla markaana balaayo sida Fahad Yaasiin ku faruur-xiran .. intu Afar sano u xilka hayey, waxaa ugu weynaa u ku mashquulay waxay ahayed inu maamulka dibada ka dhigo cid kasta oo mustaqbalk ka hor imaan-karta, wuxuu marki ugu horeysay cayro cagta u saaray Godoomiyi hore ee barlamaanka Mudane Jawaari oo aaminsana in hawsha la xariirta doorashada deg deg loo bilaabo si aysan dibu dhac u dhicin, laakiin taas waxaa ka hor yimi Maxamed Farmaajo oo hoosta ugu qarsooneyd in waqti dheereys u yiraahdo lagama gaar doorasho ee ha la ii kordhiyo mudada xil haynta, taaso marki dambe u socon-weyday.

Maxamed Farmajo markasta iyo goor walba wuxuu abaarayey meel aan xaqiiqada oolin oo wax laga raadiyo iyo hadba dhinac kaga dhufo bal in ay si uun kugu gasho Kubada, taaso keentay in dawladiisiiba ay noqotay daba-wareejin iyo ila meereyso aan meel mareyn .. Maxamed Farmaajo, isagoo iska indha tiray in dadku ay leeyihiin garaad iyo garasho, wuxuu la yimid dhawr xeeladood oo u is lahaa doorashaad ku heleysa taaso u shaqeyn-weyday, laakiin hadda isaga iyo kuwi sacabda u tumaayey waxaa ka soo hartay Haddi aan sidaas iyo sidaas yeeli-lahayen waxa maanta dhacay naguma dhaceen.

Mudane Maxamed Farmaajo, intu xilka hayey wuxuu aruursaday Nacmayaal wax loo yeeriyo iyo mooye aan iyaku maskaxdooda wax ku sameyn-karin kuwaasoo markay afka kala qadaan aad is leedahay war wuxu ma caynkaan bey ahaayen waa kuwa aan daruufaha iyo xaqiiqada jirta u sheegi-karin booskooda oo iyagiiba ah qashaabiir la soo aruursaday .. 

Arintu si kastaba ha ahaate, waxaa horay loo yiri wixii baxaya indhaha Casaada, oo waxay hadda sidata Farmaajo iyo kooxdiisa oo gacanta ku soo qaatay sababihi ay ku bixi-lahaayeen oo ay ka mid-tahay danbiga ay qirteen, balse u sahay gurteen wadki dili-lahaa taaso dhalisay in beeshi caalamka wixii awood ahaa iyo go'aan kasta oo la xariira doorashada ay ku wareejiso R/W Rooble, isagiina waa Farmaajo la yiri Dawacey Af ku dhufanle halkaas sheekada ka daawo

Ujeedka iyo Haatan aan daro midida halka ay boogtu tahay: Wataa Wadaamihi Maxamed Farmaajo Ceel wal-waaleed ku go'een, wuxuu hadba dhinac soo dhigtaba waxaa u maanta ku hafanaayo shirqoolo duufaan siyaasadeed oo loo maleegay, nafti waa ka sii khiikh leedahay oo wuxuu ku jira xaalad ay soo ridatay, mana jirto Tuurta u maanta yeeshay cid dib ugu habeyn-karta oo isagaa yaqaan sidu barkinta u dhigan-lahaa .. laakiin wax kasta u sameeyo shiikhu waa ku daayey oo ma filaayo albaab dambe ee u garaaci-karo .. Hadda ayaad mooda bulshada somali in ay ku baraarugeen wixii aan kol hore uga sheegnay ee ahayed war ninkaan waa Bac la idin soo afuufay ee ha ku sirmina.