Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Bulshooy Dhibaatooyin Cudur Saf-Mareen Baa Arlada Dhaaxaa Ku Aragteene .. Bal Eeg Dardaaranki Nabi Maxamed CS Ee Cudurada Saf-Mareenka Ah (Covid19)

Sunday - Feb 28, 2021



Ma Ogtahay ayadoo xilligan dunidu la ciir-ciireyso cudurka COVID 19 inay jiraan talaabooyin wax ku ool ah oo nabi Muxamed (scw) uu kugula talinayo inaad kaga hortagto cudurada saf-mareenka ah ee u gudba qof ilaa qof .. Mase Ogtahay markaad maqasho hayada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO inay lagama maaraamaan ku tilmaantay inuu qofku daboolo afkiisa iyo sankiisa markuu qufacayo ama uu hindhisayo .. Ma ogtahay in arrintaasi ay tahay sunnadii rasuulka ee sharafta lahayd ..Abihurayra waxa laga wariyay:  In nabigu (scw) markuu hindhiso inuu wajigiisa ku dabooli jiray gacantiisa ama maradiisa, wuxuuna dabooli jiray codkiisa

Ma Ogtahay markaad aragto inay lagama maarmaan tahay in la dhaqo gacmaha ugu yaraan 20 ilbiriqsi inay arrintaasi tahay awaamirtii nabiga (scw). Markaad wayso qaadanayso waxa laga rabaa inaad dhaqdo gacmahaaga sadex jeer, sidoo kale wajiga iyo dhudhunka iyo cagahana waxaad mayraysaa sadex jeer taasoo kaa dhigaysa inaad biyo ku hoos jirtay ugu yaraan 40 ilbiriqsi.

Ma Ogtahay madaarada, suuqyada, dugsiyada iyo wadooyinka la xiray markii uu yimid cudurka COVID19 ay tahay mid kamida sunnooyinka nabiga (scw) marka cudurada saf-mareenka ah ay yimaadaan.

Mase Ogtahay in Dadka ku takhasusay caafimaadku ay uga digayaan dadka qaba cudurka COVID 19 inaanay u galin dadka caafimaadka qaba .. Digniintaas mid la mida ayuu Rasuulku (scw) uga digay in dadka bukaanka ah aanay u galin dadka caafimaadka qaba si aanay u qaadsiinin cudurka .. Abihurayra waxa laga wariyay inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Yaanu u galin mid buka qof caafimaad qaba

Oo Ma Ogtahay in reer galbeedku ogaadeen in muhiimada ay leedahay in la istijoodo kadib markii ay dhamaadeen waraaqihii suuliyada, waxa usoo baxday inu Muslimiintu ay kaga horreeyaan xaga nadaafada .. Mase Ogtahay in shareecada Islaamku ku farayso inaad masuul ka tahay caafimaad-kaaga iyo inay lagama maarmaan tahay inaad ilaaliso.

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: Abihurayra waxa laga wariyay inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: Uga carar Juudaanka sidaad uga cararto Libaaxa