Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Ruuxi Dab Kugu Shida Adna Olol Ku sii Daa .. Labadi Guddi Ee Loo Xilsaaray Qama-qamadi Banaan-baxa Oo Shirki Ku Kala Kacay .. R/W Rooble Oo Ugu Dambeyn La Saftay Mucaaradka

Wednesday - March 3, 2021



Kadib marki is mari-waa u dhex maray gudiyadi labada dhinac ee loo xil saaray ka wada shaqeynta banaan-baxa dhacaya maalinta sabtida, waxaa marki hore guddigi ka socday dawlada ay soo jeediyeen in Banaan-baxa lagu qabto Stadiyoom Injineer Yariisow, halka ay mucaaradki ku adkeysteen in ay mudaaharaadka ku qabsan-doonaan Fagaaraha Daljirka Daahsoon, sidaa darteedna ugu dambeysti shirki waa lagu kala kacay .. qolada dawlada shirka waxaa matalaayey Wasiirka Amniga iyo Duqa Magaalada kuwaaso amarkaan dambe ka soo qaatay Villa somaliya

Hasa-ahaate Raiisal wasaare Rooble oo khadka soo galay ayaa isla markiiba amar soo saaray u ku fasaxa in mucaaradku banaan-baxoooda ku qabsan donan fagaaraha Daljirka Dahsoon iyada la tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray .. Ugu dambeyn Xukuumaddu waxay fartay qaban-qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha la ilaaliyo.

Dhinaca kale, waxaa la xusaya in shirki dawlada Fedaraalka iyo Maamul goboooledyada u shirkooda dhici-doono maalinta isniinta, shirkaas oo ay aqbashay beesha caalamka iney goob joog ka ahaato waxaa lagu dhigaya xarunta Xalane,