Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 23 April 2018
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Waagi Hore .. Boqoradi Arraweelo Ee ku Caan Baxday: Ma Aqbali-karno Guumeysiga Iyo Adoonsiga Raga
Friday - March 4, 2016
Carroweelo amase Araweelo, waxaa la yiri waxey aheyd gabar caqli iyo garaad ku dhan-yahay oo ku han-weyneyd mar un iney rag quusiso arladana ka taliso, isla markaa aan ku qanacsaneyn kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada oo aheyd ilmaha iyo aqalka oo qura. Marka Ragu kaligiis shirayo ayey carro la dillaaci jirtey oo oran jirtey "Oo waataan hal qof oo dumar ahna shirka laga qeyb gelineyne bal eega"!
Maalintii danbe ayey soo fakartey xeel ay ku inqilaabto Raga taladana ay dumarku kula wareegaan. Dumarkii ayey aragtideedi kacaanimada aheyd ka dhaadhicisey, waxeyna tiri si aan u inqilaabno ragga oo dhimasho iyo burbur ugu geysano, waxaan maalinta inqilaabka ku mashquulineynaa carruurta. Haye iyo howraarsan ayaa lagu heshiiyey. Dumarkii raggii ayey u yimaadeen oo waxey ku yiraahdeen “ waxaan dooneynaa inaan sidiina oo kale anaguna shirno ee bal hal maalin ilmaha adinkuna haya” Raggii oon shirqoolka jira ka warqabin ayaa is yiri koleyba waa iska dumaroo mindhaa abaay-sitidoodi iyo hawlahoodi ayey qabsanayaane hal maalin wax idinma yeeleysee bal ilmaha haya.
Waa sidii lagu ballamaye Ragii oo ilmihii la daalaa dhacaya oo mid kastaa kaligiis gurigii ilmo ku haya ayaa inta loo tegey madaxa laga wada gurey oo laga daba qaaday heesti: shinbirayaw heesa-heesa, hees wanaagsan u qaada bulshada cusub .. Hal nin oo la oran jirey Odey Biiqe ayaa ka fakadey oo badbaadey iyo ubadkii yar yaraa iyo wixii uurka lagu sidey.
Waxaa arladi ku soo harey ilmo yar yar oo saqiirraa iyo kuwo caloosha lagu sido. Carroweelo oo laheyd iyadu taladaas raga lagu gumaadey ayaa loo caleemo saarey iney noqoto boqoradda dumarka. Waxaana lagu ballamey in rag danbe aan wax talaa laga dhegeysan. Si taasi u dhacdana in gebi-goodba la cirib tiro.
Carruurta yar yar iyo kuwa uurka lagu sido oo dhalan doonana in la dhufaano oo iyagoo korommo ah lagu shaqeysto ayaa lagu heshiiyey.
Sheekadu way dheertahey oo aakhirkii Odey Biiqagii fakadey ayaa gabar iyada Arroweelo ah dhashey intuu duurka ka helo guursan-doona iyadoon iyadu la socon. Sidaasna wiilkii iyada dili lahaa ayey gabadheedu ku qaadey, aakhirkiina isagaa dili doona Aarroweelo isagoo taariikhdii hore iyo sida wax u dhaceen aabbihiis Odey Biiqe ka helay, isla markaana siiyey tabtii uu boqoradda jinni uga takhallusi-lahaa. Sidaas ayeyna ku galbatey boqoraddii Carroweelo oo Ina Rag meel aysan ka fileyn ayuu uga soo baxey! oo markii wiilkii daauuski ahaa inta is galay ku shaashiyey waranka tartarada jaray oo dhulka dhigay yiri; nacasta rag bey is mooday. maanta necaw qabow iyo dabeyl nafac-leh timi. oday biiqna marku maqlay araweelo xabaalaha in la dhigay ayuu isna yiri; dadaal rag ha ka deeyrin oo niyad baan u ladayaa hurdada. arladina waxaa ka soo yeertay dhulku waa nabad
Carraweelo, waxaa la sheegaa in waqti ay xukumi jirtay dhulka eastern- centre oo ah dhulka Oromada iyo degaanka waqooyiga somaalida
kalmada Arraweelo sida ay sheegaan waxaa u ka koobantahay laba eray oo ah (carrao iyo weelo .. Carao micnaha waa dhulka .. Weelo waa degaamadi geeska afrika ay xukumi jirtay oo inta badan hada ah dhulka itoobiya khaasatan dhinac Oromada ilaa laga soo gaaro waqooyiga somaalida
Waxaa la tilmaama in ay awood ku qabsatay boqortooyadi Aksume oo dhishay boqorkii xukumaayey Boqor Haddaani, halkaaso illa afartan sano ay ku amartaag-leyneysay .. Somaalida qaar ayaa yiraahda dhag-dheer iyada ayey ahayd oo markay dhimatay loo qaaday Dhag-dheer dhimatay dhulki nabad.
waxaa kalo la sheegaa iney beel ahaan ka soo jeeday qabiilkaYibraha oo waa sababta ay yuhuuda iyo xabashada u tiraahdo aslkeeda waa Yahood.
Hits : 4611
Featured Post
Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah
Full Story
Xasuus Taariikheed Oo Ileys Weyn Ku Ifisa Xaqiiqooyinka .. Yaa Dilay Cabdirashid Cali Sharmaarke ? Maxaase Loo Dilay
Full Story
Boholyooga Caashaqa: Amirad Reer Jaban Oo Maratabadi Mansabka Ay Ku Lahayd Dalkeeda Uga Tanaasushay Wiil Ay Caashaqday Dartiis
Full Story
Waa Qiso Lagu Cibrad Qaato Oo Ku Qotanta Inaan Laga Maarmin Waayo-Aragnimada Iyo Dhago U Raaricinta Dadka Waayeelka Ah
Full Story
Taariikhda Aan Barano .. Sayid Maxamed Cabdille Xasan Sidee Buu Ku Noqday Dariiqada Saalixiya
Full Story
Sheeko .. Sidee Ugu Dhawaana Ilaahay
Full Story
Badda Aw-da Haysa .. Xiddigaha Cirka Sare Gurguuranaya Iyo Faalkii Nostradam U Ina-Habreedki "Falaga" U Ka Wareystay Donald Trump
Full Story
Wacdarada U Dhigi-doono Beenaale Masiix Dijaal Iyo Sida Marka Dambe Loo Dili-doono
Full Story
Wixii Aan Shib Ka Ahaa Maantaan Sharxaya .. Qormo Kooban Oo La Xariirta Noloshi General Maxamed Cali Samantar
Full Story
Saxaabigi Dhambal Side Cabdulaahi Binu Xudaafa: Waa Geesigi Qoraalkii Rasuulka s.c.w Gaarsiyey Boqorkii Kisra Ee Furus (iiraan)
Full Story
Waa Sheeko Iyo Murti Xikmad Ku Fadhida Oo Ku Socota Qofkii Aan Ka Fiirsan Ama Ka Baarandagin Ereyga Uu U Isticmaalayo Hadlkiisa
Full Story
Xikmad Aad U Qiimo Badan Oo Laga Xigtay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metwali Shacraawi
Full Story
Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Habeeyn ( Alfi Laylah Waa Laylah)
Full Story
Hambalyo Is Wada Dhaaftay .. Ahlu Suna Wal-Jamaaca Ee Diinta Iyo Dariiqada Daadihiya Ee Goobolka Mudug Oo Hambalyo U Soo Dirtay Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed
Full Story
Wax Ka Ogow Cudurka Dhiig Karka Ee Dilaaga Ah
Full Story
Yacquub Mandela Walks Free .. Maxkamada Oo Garwaaqsatay In Xeer-ilaaliyaha Dawladda U Jilaayey Film Bila Aktor Ah Oo Meel Uu Ka Bilowdo Toona Aan La Aqoon
Full Story
Cabista Biyaha Kulul Oo Laga Helo Faaiidooyin Caafimaad
Full Story
Madaxweyne Siyaad Barre " U Dulqaata Waa Kaas Nabsigu Idin Dul-joogee"
Full Story
War La Xariira Doorashada " Mubaayacada" Ugaaska Tanade/Leelkase
Full Story
Boqor Hayle salaase iyo M/weyne Siyaad Bare Oo Ka Wada Hadlay Qadiyada Ogaadeenya
Full Story
Culimadi Iyo Fuqahadi Reer Tanade Ee Dacwada Fidinta Islaamka Ka Waday Bari Iyo Bartamaha
Full Story
WiKiLeaks Galdogob Times Oo Soo Bandhigtay Sababihi Jeelki Dheeraa Ee Digtoor Yuusuf S. Bardacad
Full Story
Ladiid Iyo Lafo Tanade
Full Story
Dad Waa Laga Quuste Show Rag Baa Nool . Keyr Qabe Suldan Xasan Oo Soo Nooleeyey Rajadi Naxashka S.
Full Story
Qiiso Dhaba Oo Qof kast Musllim Ah Ka ilmeysiisey .. Waad Khushuceysa Hadaad Akhriso
Full Story
Xasuus Taariikh .. Xukunkii Xaakim Qarqoosh Ee Sida Xun Ugu Dharaqsaday Cadaalada
Full Story
Qiso .. Dameerkii Magaciisa Nacay, Kaluun Qoorta Surtay
Full Story
Qisadi Dilka Nabi Yaxye Bin Zakariya CS
Full Story