Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

War Jug Soo Yiri .. Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Farmajo Ku Khasbay Inuu Cadeeyo Warqadi U Xalay Saq Dhexe Soo Saaray

Saturday - March 20, 2021



Xalay saqdi-dhexe wuxuu madaxweyne Farmajo soo daaray warqad u ku casumay shir cusub  oo madaxda maamul goboledyada looga codsaday iney ka soo qayb galaan, xili ay beesha caalamka iyo madaxweynr farmaajo isku ogaayeen inu ka soo qayb galo shirka Afisyoone ka dhici-dono ee beesha caalamka abaabuleyso.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa iyaga laftooda ku jaaha-wareeray kana xumaadeen hadalka ka soo yeeray Villa Somaliya ee ku baaqay shir aan cadeyn meeshu ku dhacaayo .. Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay oo ay gadaal ka rixayaan qaar ka mida beesha caalamaka ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo ujeedka warqada goor dambe ka soo baxday xafiiska Farmajo.

Jeemes Swan oo ka duulaaya dalabkaas safiirada xalane ku sugan wuxuu saaka talefoon kula hadlay madaxweyne Farmajo wuxuuna ka dalbaday in uu cadeeyo waxa u yahay shirka u ka dhawaajiyey .. Wada hadal ka dib waa sababta keentay in wasiir Dube hadlo oo halkaas ku cadeeyey in shirka u ku yaboohay Farmajo oo yahay midka ku dhacaya Afisiyoone.

Sida ay xaqiijinayaan ilo u dhuun daloola waxa ka socda Villa somaliya waxay sheegaan in Maxamed Farmaajo maanta talo ku baraahsatay, oo albaab kasta ayaa ka soo xirmay, waxaana halkaas dhigay waa shakhsiyaad u beerka soo gashaday oo uu ka mid yaay Fahad Yasiin iyo Taliyaha poliska Jeneral Xijaar oo markasta u malmaluuqa sheeko aan soconeyn iyo wax aan jirin.