Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Farmajo Oo Lagu Yiri Adiga iyo Askartaada Hawada Leef-leefa .. Ciidamo Mareykan Ah Oo Lagu Soo Daadshay Garoonka Afisyoone Ee Shirku Ka Dhacaayo

Sunday - March 21, 2021



Ciidamadi AMISOM ee magalada mogdisho joogay ayaa lagu soo xoojiyey ciidamo Mareykan ah, kuwaaso degay meel aan ka fogeyn goobta shirku ka dhacayo .. Villa Somaliya oo ciidamo ku soo daadisay meel aan ka fogeyn goobta shirka ayaa amar lagu siiyey iney ka guuraan kuwaaso caawa makhribki ka baxay dhamaan goobihi ay soo xaluusheen.

Dhamaan qaybaha somalida waxaa lagu amray ineysan ciidan la iimaan-karin agagaarka gogosha shirku ka dhacayo .. waxaa kaligood Amaankooda la wareegaya Amisom inta sirku socdo.

Madaxweyne Farmajo waxaa si gaara isaga lagu amray in ciidamada la socda ay uga haraan afafka hore ee laga soo galo Afisyoone gaar ahaan meesha loo yaqaan Marina Gate .. Ciidamo dheeraada oo Amisom ah ayaa caawa la wareegay Afisyoone, halka duleedka garoonka diyaaradaha la dajiyey ciidamo Mareykan ah oo ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha Balidoogle oo xarun u ah Mareykanka kuwaaso intooda badan illa shalay laga soo daabulaayey saldhiga mareykanka u ku leeyahay Jabuuti.