Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ka Daraa ka Sii Daray .. Beesha Caalamka Oo Dooneysa Inta Shirka Ka Horeysa Ay Is Faham Dhex Dhigto Farmajo, Deni Iyo Axmad Madoobe

Monday - March 22, 2021



Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu maanta oo isniina bilaabay dadaal dheeraad ah oo lagu badbaadinaayo shirki u isagu hormoodka ka ahaa ee u gogoshiisa dhigay Teendhada Afisyooni .. Inkasto Madaxweyne Farmajo uu saaka Teendhada ku qabtay shir aan loo dhameyn oo aan qayb ka ahayen dadaaladi socday haddana beesha caalamka waxay ku adkeysaneysa in la qabto shir loo dhan yahay oo aysan marnaba aqbaleyn shir koox kaliya ay wataan.

Safiirka Mareykanka iyo Ergeyga gaarka ah, waxay ku heshiiyeen in si gaara ay u casumaan Madaxweyne Farmajo, madaxweyne Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe isla markaana ay la tashadaan Midwga musharaxiinta .. hawshaasna ilaa maanta ayey ku dhaqaaqeen

Warku wuxuu sheegaya in Ergeyga gaarka iyo safiirka Mareykanka ay xirir la sameyeen Villa somaliya, waxayna doonayaan in ka hor shirka meel la isla dhigo qodobada ay isku diidan-yihiin Madaxweyne Farmajo, Deni Iyo Axmad Madoobe .. Qodobada la doonaayo in la isla meel dhigo oo ay ko doodayaan Deni iyo Madoobe waa iney ahaadaan: qodobada qura ee hortaagan shirka loo dhan yahay u furmo .. Warku wuxuu inta ku daraya in haddi is faham la dhex dhigo Farmaji, Deni Axmad Madoobe u shirka bilaabmaayo.