Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Abiy Axmed Oo Sidi Landrover Dhiiqo Galay Isku Wareegaya Bar U Bixi La' .. Abiy Oo Qirtay In Xasuuqa Loo Geystay Shacabka Tigreyga U Ka Dambeeyey Afawarki

Wednesday - March 24, 2021



Ra'iisel-Wasaaraha Itoobiya ayaa qirey markii ugu horeysay qiray in ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigreega ka dib dagaalkii bishii November .. Muddo bilo ah ayay labada dalba beeniyeen in ciidammadaasi ay ka gudbeen xadka.

Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ciidamada Eriteriya ay yimaaddeen iyagoo ka baqaya in ay weeraro uga yimaaddaan dagaal-yahanada gobolka ee Tigray. Iska hor imaadkan ayaa bilawday kadib markii Jabhada Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo ku yaala gobolka.

Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa kala dhexeeyey Mr Abiy kaas oo ku aaddan mustaqbalka nidaamka federaalka ee Itoobiya ee ku saleysan habka qowmiyadeed iyo doorka ay ku leedahay dowladdu .. Boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii Tigray shantii bilood ee la soo dhaafay .. In kasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhamaadkii bishii Nofeembar isla markaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka.

Mr Abiy, oo horey ugu guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize, maata ka hr ma uusan qiran in askarta Eriteriya la geeyey tuulooyinka oo dhan.

Dagaalka waxaa sababay khilaafkii adkaa ee muddada u dhexeeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo hogaamiyeyaashii TPLF ee gobolkaas .. Jabhaddaas waxay ahayd middii haysay awoodda maamulka dalkaas tan iyo 1990-kii, waxayna awoodda lumisay markii Abiy uu xilka qabtay, 2018-kii.