Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

War Soo Dhacay .. Kulan Uusan Goob Joog Ka Ahayen Farmajo Oo Xalane Uga Socda Maamul Gobleedyada

Thursday - March 25, 2021


Mogdisho- Hotel ku dhex yaala xerada Xalane waxaa ka bilowday kulan u dhaxeeya madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, waxaana kulankan isku daba ridkiisa leh madaxweynaha Galmudug Axmad Qoor Qoor oo qaatay go’aan uu dhinacyada u kala dab qaado.

Shirka ayaa ka socda Hotelka ay dagan yihiin madaxweynayasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana halkaas ugu tagay Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe si ay ugala hadlaan doodda ay wataan ee shirka uga soo qeyb gali la' yihiin.

Qorshaha maanta waxa uu ahaa in Beesha Caalamka iyo madaxda dowlad Goboleedyada iney kulan ku yeeshaan Xalane si ay u dhex dhexaadiso Beesha Caalamka laakiin wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu ergo u diray madaxda maamul Goboleedyada dalka si ay shirka ugu soo biiraan, taa oo u muuqata mid uu iska sheeganayo iyadoo dadaaladan ay leedahay Beesha Caalamka.

Xogo aan helnay ayaa sidoo kale sheegay in madaxda maamul Goboleedyada ee daacaddda u ah Farmaajo inuu ku amray ineysan la kulmin  Beesha Caalamka balse ay la kulmaan kaliya Madoobe iyo Deni.

Farmaajo ayaa saakay ku soo kallahay Teendhada Afisiyooni si uu Beesha Caalamka uga baajiyo kulanka ay la qaadan lahaayeen madaxda mamul Goboleedyada.

Waxaa muuqata in hadda wixii ka dambeeya in Beesha Caalamka ay la wareegeyso hogaanka shirarka doorashooyinka islamarkaana ay ka quusatay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday oo ka shaqeynaya sidii uu ku soo laaban lahaa isagoo diidan doorasho loo dhan yahay.