Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Barnaamijka Bariga Dhexe Ee Cagaarinta Saxraha .. Dawlada Sacuudiga Oo Dalkeeda Ku Beereysa Toban Bilyan Geed

Sunday - March 28, 2021



Riyadh - Saudi Arabia ayaa hiigsaneysa in ay sanadaha soo socda abuurto 10 bilyan oo geed taasi oo qayb ka ah olole hankiisu sarreeyo oo uu Sabtidii daahfuray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan, ujeedkuna yahay in la yareeyo qiiqa kaarboonka iyo la-dagaallanka wasakheynta iyo nabaadguurka.

Saudi Arabia oo ah dalka ugu sarreeya ee dhoofiya shidaalka ayuu Dhaxal suguhu sheegay in ay damacsan tahay in ay dhinto qiiqa kaarboonka ay soo saarto iyadoo 50% tamarteeda ka sameyn doonta tamarta dib loo cusbooneysiin karo marka la gaaro 2030.

Riyadh ayaa sidoo kale dowladaha kale ee Carbeed kala shaqeyn doonta barnaamijka Bariga Dhexe Cagaaran si loo beero 40 bilyan oo geed oo dheeri ah, taasi oo uu amiirku sheegay in uu noqon doono mashruuca dhir-beerista ugu weyn dunida.

Hindisaha dhir-beerista Sacuudiga ayaa qeyb ka ah qorshaha aragtida 2030 ee dhaxal-sugaha boqortooyada si loo yareeyo ku tiirsanaanta dakhliga saliidda iyo wanaajinta tayada nolosha ee dalkaasi.