Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qarniyo Ka Hor Arimihi Uu Inooga Digay Nabi Maxamed CSW Oo Maanta Ay Xaqiijiyeen Saynis-yahanada Aduunkaan Casriga Ah .. Candhuufta Eyga Waxa Ku Jira In Ka Badan 20 Nooc Oo Bakteeriyo Ah

Monday - March 29, 2021



Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee 15 Qarni ka hor waxa uu Xadiis inoogu sheegay in Eyga loo haysto Sadax sababood iyo wixii la halmaala kuwaasi oo kala ah,in lagu Ugaarsado kadibna Ugaadha uu soo qabto inta uu Afkiisa iyo dhareerkiisu gaaray isaga loo jaro iyo in Xoolaha lagu raacdo iyo in Beeraha iyo wixi la mida Waashmaan looga dhigto.

Intaasi waxa laga fahmi karaa lagana qaadan karaa sida Culimo badan oo Musliminii ay sheegeen in Eyga loo isticmaali karo Polis iyo Danbi baaris iyo wixi la mida, balse Akhristow Nabigu waxa uu ka digay waa uun Dhareerka Afkiisa iyo Maqaarkiisa qoyan in la taabto ama la salaaxo, sababta oo ay dhareerka afkiisa ka qubanaaya inta badan waxa uu ku masaxaa Maqaarkiisa kore.

Waxa kaloo Nabigu CSW uu inoo sheegay in Sadaxdaa wixii aan ahayn ee Eyga loo haystaa xataa ay Ajarkaaga Maalinlaha ah ay nusqaan u keenayso Maalinkastana xasanaadkaagu uu nusqaamaayo.

Waxa kaloo iyana Xadiis Nabigu inoogu sheegay in Taabashada Eygu aanay banaanayn gaar ahaan marka uu Maqaarkiisu uu qoyan yahay ama adiga Gacmahaga iyo meesha aad ku taabanaysa ay tahay mid qoyaan leh .. Hadaba Casrigan Maxaa La Ogaaday?

Daraasadaha cusubi waxay ka digayaan  in candhuufta Eyga ay u gudbin karto halis farabadan ,waana mida inta badan Eygu uu dibada isaga soo saaro dhareerkiisa.

Waxaa jira bakteeriyo la yiraahdo Capnocytophaga Canimorsus oo iyadana laga qaado Eyga gaar ahaan marka qofka Mulkilaha Eygu uu korkiisa taabanaayo isaga oo Gacantiisu ay qoyan tahay amaba sida ay dadka Gaaladii sameeyaan Eyga Afka laga dhunkado , tani waa Bakteeriyo madax adag oo u keeni karta milkiilaha Eyga cudurro halis ah.

Warbixin lagu daabacay Joornaalka CBS News 2016 ayaa sheegeysa in Haweeney ay ku jirtay Dhakhtar muddo aad u dheer oo Sanado ah sababtoo ah Bakteeriyadii halista ah ee ay usoo gudbisay Eygii ay haysatay oo markasta ay Afka ka dhunkanaysay .. Sidoo kale waxaa jira dad difaac u ah in  Bakteeriyadani ay si dhakhso wax u yeesho caafimaadkooda , sidaa darteedna aan ku dhici karaan Cuduro halis galin kara.

Sida aan kor ku soo xusnay daraasad cilmiyaysan oo lagu daabacay Joornaalka Ururka Caafimaadka ee Thailand Taariikhdu markay ahayd Disember 2003 waxay leedahay: candhuufta Eygu waxay ka koobantahay in kabadan 20 nooc oo bakteeriya ah .

Daraasado cilmiyeed kale ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Cudurka la yiraa Raabiyada uu ku jiri karo candhuufta Eyga, una gudbin karo Bini Aadamka asaga oo aan qaniinin, sidaa darteed waxa ay darasadaasi dadka kula talinaysaa dadka Eyda rabaysta isla markaana la cayaara  in ay Farahooda ay dhaqaan markasta.

Saxiib Akhriste Nabi Muxamed CSW Qarniyo ka hor ayuu arimahan uu inooga digay hadii aynu nahay Muslimiinta , maantana waxa xaqiiqdii soo saaray Saynisyahanadii Aduunkan casriga ah,