Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xog Iyo Xaqiiqo Sugan .. Farmajo Jid Gala Iyo Mid Ka Baxa Marki Laga Waayey Beesha Caalamka Oo Taladi Doorashada La Wareegeysa

Tuesday - March 30, 2021



War hoose oo shabakada Galadogob Times soo xigatay waxay sheegayaan in la isla ogolaaday in Todobaadka iyo khamiista lagu kulmo xerada Afisyoone ka dib marki beesha caalamka ay maanta la kulmeen Raiisal wasaaraha fedaraalka ee waqtigoodu dhamaaday.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Farmajo wuxuu ku adkeystay in la isugu yimaado kulanki isaga iyo Sadexda madaxweyne ay ka bilaabeen Afisyoone, balse beesha caalamka waxay Raiisal Wasaare isla meel dhigeen in la isugu yimaado kulanka ay bilaabeen Shanta Madaxweyne Goboleed .. Xogtu waxay kalo sheegeysa in Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u Raiisal wasaaraha kula hadlay luqad kulul oo uu hoosta uga xariiqay in la joojiyo qoraalada lidka ku ah geedi socodka loogu diyaar-garoobaayo shirka wada tashiga.

Beesha caalamka waxay damaanad qaadeen in amaanka shirka ay gacanta ku haynayaan ciidanka Amisom .. sida ka muuqata qoraalka ka soo baxay villa somaliya weli madaxweyne Farmaajo kuma qanacsana shirkaas laakiin waxaa la la leeyahay Farmaajo waa la khasbay .. Waxaa la aaminsan-yahay in maxamed Farmajo qorshaha u dagsan u yahay laba arimood midkood kuwaaso oo ah: Inu doorashada u ku helo boobo ama haddi kale u helo laba sano oo xil kordhin ah