Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ninki Cirka Roob Ku Ogi Isaga Is Keenin .. Shirki Teendhada Afisyoone Oo Soo Xirmay Iyo Natiijo La'aan

Saturday - April 3, 2021


Wararka Mogdisho naga soo gaaray ayaa sheegaya in shirki wada-tashiga doorashada ee u dhaxeeyey Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweyna-yaasha Goboledyada ayaa ku soo dhamaaday guul la'aan, oo wax heshiis ah oo la gaaray ajeendadi shirka lama sheegin.

Shirka ayaa u muuqda mid u dhaxeya madaxweyne Farmajo ee waqtigiisu dhamaaday iyo Madaxweyna-yaasha Puntland iyo Jubaland halka Raga kale ay ahaayeen kuwa aan wax saameyna ku  lahayen kulanki maanta .. Sida aan xogta gaarka ah ku helanay Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa is weydaarsaday hadala kulul, iyado madaxweyne Deni asna sido kale ku hadlay hadalo kulul.

Xogtu waxay kalo sheegeysa in xubnaha kale ee la safan Farmaajo sida Qoor-qoor, lafta-gareen iyo Cali Guud-laawe aysan si fiican kulanka uga muuqan .. kulanku wuxuu ku soo dhamaaday iyado uu u muuqdo in weli Afka la isu buuraayo wax natiijo la taaban-karana kama soo bixin, waxaase  lagu balamay in beri la isku soo laabto .. Axmed Madoobe ayaa laga xigtay in Farmajo u weli ku war-wareegaayo inusan ka fuqin qodobki Gobolka Gedo