Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qosolku Waa Mid Dhalinkara Faaiidooyin Caafimaad .. Sheeko Dhex Martay Takhtar Iyo Nin Cuqdad Nafsi Qabay

Monday - April 5, 2021



Faa’iidada qosolka mid la soo koobi karo ma aha, maxaa yeelay waxaa la arkay dadka qoslaa badanaa waa dad furfuran oo noloshoodu aanay u badnayn feker iyo welwel, taasoo ka badbaadinaysa cudurka niyad jabka iyo diiqadda, iyadoo dheecaanada jirka faa’iidada ugu jira sare u qaaddo, kana badbaada, Dhiig-karka, Cudurka Macaanka, Wadna Xanuunka, Faalijka, Gaaska iyo xanuuno kale oo uu keeno qulubka iyo wal-bahaarku (stress). 

Dhinaca kale qofka qosolka badan ee bashaashka ah, waxay cilmi-baarayaashu sheegeen in aanay dhakhso uga soo daahirin ama uga soo muuqan astaamaha gabawga (Duqowga), haddii aanu ahayn qof isticmaala mukhaadaraadka sida Qaadka, Khamriga iyo Sigaar Cabka. Sidaa darteed qosolka sharciga ah amase ila xad diintu ogashay ha lagu dadaalo, horeba waxaa loo yiri: Laughter is the best medicine.

Hadaba ila Qosl .. Nin xanuun iska dareemay ayaa maalin u tagay Takhtar, wuxuuna uga war-bixiyay dhibka iyo sida loo
haayo, ama xanuunka uu qabo .. Takhtarkii oo hubsasho sia loo haayo, su’aal weydiiyay si uu u ogaado, xanuunka iyo waxa ninkaan haya waxay yihiin.

Takhtarkii wuxuu dareemay in ninka jirada hayso ama cudurka uu yahay mid nafsi ah ama
cuqdad nafsi ee wax kaleba aysan jirin .. Takhtarkii ayaa marka talo u jeediyay bukaankii kuna yiri: Waxaan kugula talinayaa inaad niyadaada ka dhaadhicisid inaadan xanuusanayn, oo jiro dhan aadanba qabin, oo aad tahay qof caafimaadkiisa taam ah, asagoo ula jeeda, jiro ma qabtid ee niyadaada lee waaye.

Ninkii oo yaaban wax kale uu sheegana kasi la’ .. intaas marku maqlay ayuu yiri “Waa hagaag
Takhtaroow” dabadeed isago hoos ka ganuunacaaya, ayuu iska dhaadhiciyey in Takhtarkaan meesha waxba ku haynin oo wuxuu ogyahayba iska yar-yihiin, isla markiina kursigii ka sara kacay dhanka albaabka sii aaday, si uu u baxo.

Takhtarkii ayaa intuusan bixin bukaankii ku yiri:“Waar ninyahow waaban ilaawi tagee, lacagtii
baaritaanka isii” .. Bukaankii oo hoos ka ganuunacaya ayaa mar qura las oo booday oo yiri: Takhtaroow, adigaba iska dhaadhici inaan lacagtii kuu hor mariyay. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk