Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Nin Hadey Rag Is Hayaan Huriya Baaruda .. Muxu Yahay Ninka Ugu Awood Badan Dunida Ee Aadan Ka Warheyn

Tuesday - August 31, 2021



Waxaan halkan idiin kugu soo gudibneynaa warbixin ku saabsan ninka aanan aqoont badan loo lahayn ee ay adag tahay in lala socdo xaaladdiisa .. Waa ninka qarsoon oo si weyn saameyn ugu leh maamulka Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka, waxaana lagu magacaaba Vladislav Surkov- iyo sidoo kale loo yaqaanaa Putin’s Rasputin, oo micnaheedu yahay ninka saameynta weyn ku leh Kremlin-ka.

Waa ninka hoggaminaya ololaha Ruushka ee ka dhanka ah Reer galbeedka .. Ka hor intii uusan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump adeegsan ereyga ‘Fake news’ ama ‘waa marin habaabin’ Vladislav Surkov wuxuu bilaabay in uu adeegsado xeelad kale.

Xukuumadda Moscow waxay adeegsanayesaa xeeladda Vladislav Surkov, si jahwareer siyaasadeed ay ugu abuurto arrimaha dimuqraadiyadda ee Reer Galbeedka .. Nin kaaliye ahaan jiray oo la shaqeyn jiray ninkan wuxuu yiri: “Xirfadda Vladislav Surkov waxaa sare u qaaday arrinta ku saabsan markii ay bilaabatay dunida casriga ah wuxuu yiri: wax run ma jiro runna ma jirto, balse waxaa jira siyaabooyin runta lagu raadin karo.

Waa nin si lama filaan ah ku noqday awoodda ka dambeysa madaxweyne Putin,wuxuu curiyay fikradda ah "dimuqraadiyadda ku saabsan madaxbanaanida" waa siyaasad ku saabsan in dimuqraadiyadda khiyaaliga ah ay ka soo bixi karto hal natiijo: waa in uu sii socdo maamulka Putin.

Mid ka mid dadkii horey ula soo shaqeeyay ninkan ayaa yiri: Wuxuu gacanta ku hayaa maamulka awoodaha siyaasadeed ee dalkaas.

“Awoodahaas waa kuwa aanan la garan karin, balse Surkov ayaa si weyn u yaqaanna laga bilaabo mucaaradka, axsaabta siyaasadda, xildhibaanada, guddoomiyeyasha gobollada; in la sameeyo ama meesha laga saaro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ama hay’adaha aan dowliga ahaeyn, kaniisadaha, warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka”.

Ninkaan Wuxuu ahaan jiray waardiye
Mikhail Khodorkovsky oo mar ahaan jiray ninka ugu taajirsan Ruushka ayuu ninka markii ugu horreysay u shaqaaleysiiyay inuu ka mid noqdo ilaaladiisa, wuxuu arkay in Surkov uu yahay nin karti leh oo ka maskax fiican ilaaladisii kale.

Wuxuu ka dhigtay madaxii xiriirka dadweynaha ee shirkaddiisa, halkaas oo Surkov uu ka bilaabay xirfaddiisa ku saleysneyd khiyaanada iyo in si khaldan uu u hago ganacsiga iyo siyaasadda.

Markii ninkii ganacsadaha iyo Surkov ay isku dhaceen, waxaa xabsiga loo taxaabay Khodorkovsky halka Surkov uu bilaabay olole ka dhanka ah ganacsadihii mar ugu taajirsanaa Ruushka.

Surkov,wuxuu maamulay koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta Ukraine .. Dokumentiyo qarsoodi ah oo ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka, waxay muujinayaan in Surkov uu maamulo shabakad ay ku mideysan yihiin kooxo ku sugan bariga gobolka Donbas ee Ukraine, halkaas oo kooxaha gooni u goosadka ay dagaal kaga soo qaadaan xukuumadda Kiev iyagoo oo taageero ka helayo Ruushka.

Nin horey u hoggaamin jiray fallaagada ayaa sheegay: "Waxaan marar kala duwan la kulmay Vladislav Surkov. Wuxuu ka mid yahay dadka ugu caqliga badan ee aan nolosheyda la kulmay".

Wuxuu qoray buug ka hadlaya ‘dunidan casriga ah ka dib .. Buuggiisa oo ah mid khiyaali ah, waxaa la daabacay 2009 .. Surkov waa nin aanan naxariis laheyn oo gabyaa ah, waana qof khiyaano badan oo wax daabaca.

Wuxuu laaluushaa dadka dhalleeceeya siyaasadda dowladda iyo weriyeyaasha, si ay ugu adeegaan siyaasiyiinta ku howlan musuq-maasuqa iyo in ay leexiyaan waxyaabaha dhabta iyo in ay abuuraan wararka marin habaabinta ah.