Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ibleyska Quluubta Ma Dego Haddi Aan Loo Yeeran Oo Laga Furin Albaabka .. Sheekada Dooxada "Valley Panjshir" Ee Is Dhiibi-Weyday Kuna Taal Afaganistaan

Wednesday - September 1, 2021


Dhowr kun oo dagaal-yahanno ah oo ka soo horjeeda Taliban ayaa lagu soo warramayaa in ay ka hortegayaan in ururka la wareegay Afghanistan ay qabsadaan dooxadan fog oo leh irrid ciriiri ah – wax ka yar 30 mayl ku dhawaadna u jirta caasimadda Kabul.

Dooxada ayaa ku fidsan ilaa 75-mayl (120km) – koonfur-galbeed ilaa waqooyi-bari ee dhanka waqooyi caasimadda Afghanistan ee Kabul .. waxaa lagu ilaaliyaa buuraha dhaadheer – oo kor u kacaya 9,800ft (3,000m) oo ka sarraysa dooxada. Waxay yihiin xannibaad dabiici ah oo weyn – dhanka kalena waa hab badbaadineed oo ay miciinsadaan dadka halkaas ku nool.

Waxaa jiro hal waddo oo cidhiidhi ah, taas oo sii maraysa inta u dhexeysa dhagaxyo waaweyn iyo Webiga Panjshir .. Ma ahan dooxo oo kali ah ee Marki la galo waxaa jira ugu yaraan 21 dooxyo hoose ah oo isku xiran, sidaa waxaa yiri Shakib Sharifi, oo halkaas ku noolaa xilligii uu carruurta ah, laakiin ka tagay Afghanistan, ka dib markii Taliban gacanta ku dhigtay.

“Taariikh ahaan, Dooxada Panjshir waxaa lagu yaqaanay macdan-qodis – oo ay ku jiraan dahabka qaaliga ah,” ayay tiri Elisabeth Leake, oo taariikhda caalamiga ah ka dhigta Jaamacadda Leeds ee UK.
Maanta, dooxada waxay leedahay biyo-xireenno koronto ku shaqeeya iyo beeraha dabaysha.

Inta u dhaxaysa 150,000 iyo 200,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku nool yihiin dooxada. Badankoodu waxay ku hadlaan luqadda Daari – oo ka mid ah afafka ugu waaweyn Afgaanistaan – waxayna ka soo jeedaan qowmiyadda Tajik.

Ninka ah hoggaaminaya xoogagga la-dagaallanka Taalibaan ee dooxada waa Ahmad Macuud oo 32 sano jir ah – waa wiil uu dhalay hoggaamiyaha iska-caabbinta iyo u dagaallankii xurmada ee soo bilowday 1980-meeyadii iyo 90-meeyadii, Axmad Shah Mascuud.

Mascuud wuxuu sheegay in dagaal-yahannadiisu ay taageero militari ka haystaan ​​xubno ka tirsan ciidanka Afghanistan iyo ciidamada gaarka ah .. Aabihii oo lagu naanaysi jiray “Libaaxii Panjshir”, wuxuu ahaa taliye mujaahid oo fashiliyay ciidamadii Soofiyeedka iyo Taalibaan, labadaba. Panjshir lafteedu macnaheedu waa “shan libaax”.

Wiilkan uu dhalay janaraalkii ka tirsan ciidamada Afghanistan, Axmad Shah Mascuud, wuxuu ku dhashay dooxa .. Axmad Mascuud wuxuu ahaa 12 sano jir markii aabbihii dhintay. Wuxuu wax ku bartay London, wuxuuna tababar ku qaatay muddo sannad ah Akademiyada Ciidanka ee Royal ee Sandhurst.

Axmad Mascuud oo ku sugan xabaashii aabbihii, July 2021 “Haddii dagaal-oogayaasha Taliban ay soo qaadaan weerar, dabcan waxay nagala kulmi doonaan iska caabin adag waxaanan rabnaa saaxiibadeenna reer galbeedku in ay na taageeraan”, ayuu yiri.