Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Tab Keliya Oo Ku Nabadgasho Ayaa Dhaanta Boqol Tabood Oo Aad Ku Nabadgasho .. Bisad-Dinad Iyo Dawaco- Dayaa Oo Sheekeystay

Friday - September 3, 2021




Biisad-Dinad Iyo Dawaco-Dayaa Ayaa maalin maalamha ka mida sheekeystay .. Dawaco-Dayaa ayaa tiri; Bisad-Dinadey Tiro imisa Tabood oo aad cadawga kaga nabadgasha .. Bisad-Dinad ayaa ku jawaabtay: waxaan aqaana hal Tab kaliya oo aan cadawga kaga nabadgalo.

Dawaco-Dayaa iyadoo si jees-jeesa u faaneysa ayey ku tiri: anigu tabo badan ayaa aqaanaa oo kolba taan-doono taatiko ahaan ayaan la soo baxa .. Kadib marki ay intaas is dhaafsadeen ayey arkeen Raxan Eeyo ah oo xagooda u soo ordaaya, ugu horaan durbaba waa la is fiir fiiriyey, kadibna Bisad-Dinad intey si halhaleel u booday ayey geed dheer oo ku dhaw kortay, dabadeedna intey hoos u eegta ayey Dawaco- Dayaa ku tiri: Anigu Tabti keli ahayed ee aan aqaanay waa anigaa adeegsadee ee adigu Tabahaagi Tee baad markaan raaceysa.

Dawaco-Dayaa uma ay jawaabin Bisadi-Dinad oo waxay kaga mashquushay iney Tabaheedi badnaa kolba tay raaceyso eegto .. sidey isula dooneysay ee kolba Tab u eegeysay ayey Eydi soo gaareen oo qabsadeen .. Bisad-Dinad oo hoos eegtay, waxay ka xumaatay waxa Dawaco-Dayo ku dhacay, dabadeed Tiri: Dawaco-Dayooy Tab keliya oo aa ku nabadgasho ayaa dhaanta boqol tabood oo aad ku nabadgali-weydo.