Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Laba Walba Isa Saarayo Wali Laba Tagoogood Isma Saarin .. Fahad Yaasiin Oo Duba Weyn La Soo Kacay Tusbaxa U Rogay Rooble

Sunday - September 5, 2021




Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qorshe yaab leh u degay amarkii uga yimid Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsanaa inuu muddo 48 saacadood ah warbixin uga keeno Kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Qoraalkiisii jawaabta ahaa ayuu Fahad Yaasiin u adeegsaday inuu farsameysan amarka Ra’iisal wasaaraha uga hoos baxo, isla markaana uu arrinta soo geliyo Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada.

“Anigoo fulinayna amarkaaga, maankana ku hayna xasaasiyadda kiiska Sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer Qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansana in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso” ayuu qoraalkiisa jawaabta aha ku yiri Fahad Yaasiin.

Golaha Amniga ee uu Fahad Yaasiin doonaya inay shir isugu yimaadaan wuxuu usoo maray Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo caddeeyay inuu codsi u diray Farmaajo si uu isugu yeero Shirka Golaha Amniga ee sanadkan aan shirin.

Qoraalka Fahad yaasiin waxaa ka mid ahaa: “Hayadda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”

Farsamada iyo xeeladda uu adeegsaday Agaasimaha NISA ayaa ujeedkeedu yahay in arrinta kiiska looga wareejiyo Ra’iisal wasaaraha, taasoo aan la ogeyn tallaabada uu ka qadan doono Rooble.