Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ku Xirnow Akhbaarti Zamaanki Hore Ee Islaamka .. Qisadi Nabi Cuseyr Iyo Sidu U Gudoomay Awooda Alle

Thursday - September 9, 2021




Nabi Suleymaan geeridiisii kadib waxa Eebe u soo diray reer banu Israel Nabi Cusayr, waxanu ugu yeeray qoomkiisii diinta islaamka iyo inay Ilaahay caabudaan kaligii.

Nabi Cusayr CS, waxa uu daganaa dhulka barakaysan ee Falastiin, kadibna dhulka waxa ka dhacay dagaalo ba’an oo sababay inay magaalooyinku burburaan, dabadeedna Nabi Cusayr waxa uu is waydiiyey sideebay u noolaan kartaa magaaladan kharaabtay!

Maalin maalmaha ka mida ayaa Nabi Cusayr baxay asagoo wata dameerkiisii, cunto ka koobnayd Muufo iyo sharaabka cinabka .. Markay ahayd waqtigii duhurka ayuu Muufadi ku qooyey cabitaankii, Dameerkiina waa seeteeyey, kadibna waa jiifsaday si uu unasto, markaasuu soo kacay qorraxdii oo sii dhacaysa.

Nabi Cusayr waxa la hadlay Malag oo waydiiyey, “imisa ayaad huruday ” Nabi Cusayr waxa uu yiri; “waxaan hurday maalin ama maalin barkeed” .. Malagii waxa uu ku yiri waxaad Jiiftay BOQOL SANO ee fiiri Cuntadii iyo Cabitaankaagii ismay badalin, sidoo kale day Dameerkaagii waxa asiibay.

Nabi Cusayr waa fiiriyey Sharaabkii iyo Cuntadii ayagoon is badalin, markaasu dayey Dameerkiisii waxa uu arkay lafihii dameerka oo baaliyoobay, kadibna waxa uu Malagii yiri “Daawo qaabka uu Eebe usoo noolaynayo Dameerka.” Nabi Cusayr CS, waxa la tusay mucjiso, Lafihii Dameerka ee baaliyoobay ayaa is-qabsaday, kadibna Hilibkii, Lafihii, Jirkii iyo Muruqyadii ayaa is-qabsaday. Ugu danbayna waxa fuulay Dhoqgrtii, markaasa lagu afuufay Ruuxdii kadibna Dameerkii waa ciyey Sadex jeer asagoo mooday inay qayaamadii dhcday .. Nabi Cusayr markuu arkay mucjisada ayuu yirii waan ogahay in Eebe wax kasta awoodo.

Nabi Cusayr CS, waxa uu u dhqaaqay gurigiisii uu daganaa, kadibna waxa uu arkay magaaladii oo is badashay, cimaaradu cusub oo la dhisay iyo magaaladii oo guud ahaan camiran.

Nabi Cusayr waxa uu damcay inuu tago gurigiisii balse ma usan helin, kadibna waxa uu la kulmay Haweenay Duq ah, oo uu waydiiyey gurigii Cusayr .. Haweenaydii way oyday oo tiri Cusayr waa la waayey boqol sano ka hor, waxaanay u dhowdahay inuu geeriyooday .. Nabi Cusayr waxa uu yiri Cusayr waa aniga oo waxaan hurday mudo boqol sano ah, Eebana waa isoo kiciyey.

Haweenaydii waxay ku tiri haddii aad Cusayr tahay, Eebe ii bari si uu indhaha iigu fiiqo, xanuunkana iiga dul qaado. Nabi Cusayr waa masaxay wajigeeda kadibna waxaa u fiiqmay indhihii, xanuunkiina way ka bugsatay, waxa la yiri haweenayda da’deedu waxa uu ahaa 120 sano.

Haweenaydii waxay fiirisay Cusayr kadibna way garatay inuu yahay Nabi Cusayr. Haweenaydii waxay u gaysay qoomkiisii, markuu la kulmay qoomkiii ayey uga warrameen in Bakhtunasar uu gubay kitaabkii Tawraadka ah .. kadibna Nabi Cusayr CS waxa uu amray inay qodaan meel uu u cayimay, kadibna waxay ka soo saareen kitaabkii Tawraadka ahaa oo uu aasay Nabi Cusayr boqol sano ka hor. Hase ahaatee kitaabku waa duugoobay, oo baaba’ay.

Kadibna Eebe ayaa qalbigii Nabi Cusayr ku ilhaamiyey kitaabkii oo dhan, markaasay qoomkiisii qorteen oo ku farxeen in kitaabkii Tawrah dib ugu soo laabtay.

Nabi Cusayr CS markuu geeriyooday ayey Yahuudii tiri Cusayr waa wiilkii Eebe, ayagoo u nisbaynaya in Ilaahay dhalay ubad, xumaan ilaahaybaa ka nasahan, wax ubad ahna Eebe ma dhalin, cidii aamintana in Eebe ubad u sugnaadayna, diinta way ka baxday .. Ilaahay baan ka magan galnay.