Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 September 2021

War Weyn .. Sir La Helay Iyo Qaabki Loo Dilay Ikran Tahliil

Thursday - September 9, 2021



War la xaqiijinaayo oo laga xigtay askari ka tirsan NISA oo habeenka la dilay Ikraan Tahlii kaltanka waardiya ka ahaa Kadinka laga galo irida xafiisyada Daarta Taliska ee gudaha, ayaa sheegay in xili dambe oo habeyna ay daarta gudaheeda soo galeen sadex Nin oo afka u duuban-yahay .. Sadexdaas nin darbiga kama soo boodin, albaabna ma soo jabin, balse irida hore weyn ayaa si sharci ah looga soo jeeg-gareyey, dabadeed sidey u socdeen waxay u daadageen jaran-jarada dabaqa hoose ee ku yaal "Basement" halkaas qol ku yaala ay gabadhaas Ikraan maxbuus bilo ku ahayed. 
 
Sadexdi Nin oo markaa nerfuhu kacsanaayeen si un u haraaryoonaya, waxay maxbuusadi si qaflan-baaban ah ugu galeen Qolka ay dhex yuurartay, dabadeed iyagoo aan salaamin la dacwin wax su'aala weydiin ayey gabadhi si hamajinimo ah u jajuubeen oo dharki ay qabtay ka fiiq fiiqeen .. gabadhiina intey salal qaaday ayey si gadoodsan u dagaashay ila mid kas-xun oo ka mida sadexdi nin gabadhii u ku balbalaariyey feer iyo haraati ilkaha dhiig kaga daadshay, dabadeed xanbaaradi marku la helay xabadka ka fuulay illa ay halki ku suuxday, dabadeed waxaaba ku xigtay war ballo iyo waa nagu dhimatay .. askarigi wuxuu yiri: Dhawaaqa iyo sawaxanka gabadha ka baxaayey iyo sidey u dagaalameysay waa garanaayey iney ahayed Ruux geesiyad dulmi-diida. 

Ninka xogta bixiyey oo sheegay in qolka hawshu ka soctay albaabka u xirnaa, hasa ahaate shanqarta dhagihiisa gorta ay maqlaan mashiiq-sanaayey ma sheegin ujeedada aabiga ay ula tageen iyo danta gabadha waqtigaas laga lahaa, laakiin wuxuu xusay iney waten kaamerooyin wax lagu duubo oo qasadku noqon-karay in sawiro falfal-xumo ah ay ka reebaan si mustaqbalka lagu rekaateeyo

Dhimashadi gabadha oo lagu wargaliyey Fahad Yaasiin ayaa geeridaas ka muraal-dilaacay si xooga uga kurbooday oo waxaa ku dhacay filan-waa, dabadeedna wuxuu warki u si gudbiyey Farmaajo oo isagana dhinicisa khal-khal ku dhacay .. ugu dambeyna waxaa la isku raacay in kiiska inti la asturi karo la asturo 

Ugu dambeysti Fahad ayaa amray in inta u safarka ku maqanyahay dilka gabadha la shaaciyo loona saaro al-shabaab, isaguna u waqtigaas safar u maylka u tiriyey xagaa iyo qaahira oo hooyadiis iyo xaaskiisa ku noolyihiin, dabadeedna u sii dhoofay Qadar iyo Turkiga, walow maanta illa shalay la sheegaayey inu u gudbay xagaa iyo itoobiya .. hadde ogow dad qal wanaag ma leh

Xaalku Si Kastaba Ha Ahaade, amuur baa dhacday oo Aduunyadaan humaaga beena iyo hamaga raaceysa, Ruuxi gala xumaan asaga maanta garab lala noqon, oo la oran gartiis weeyaan, laakiin Rabiga oo ah kan og xaalka Quraanyo madaw oo habeen Madow Dhagax madow dushiisa ku socota ayaa musiibada inta le'eg idanka Alle cadaaladiisa ayaa lagu helin xaqiiqada la cufeeyey iyo wixii soo qorsheeyey, wixii khaas ahaan fuliyey oo markaa daah ka cadaane .. Beenta Iyo Runta mardhow bay kala baxayaan.