Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 September 2021

Sheekada Aad Bay U Qaayo Weyntahay .. Koobka Is Reeb-Reebka IYo Bareerka Inqilaabka La Cadeystay .. Rooble Cidiyaha Ku Dagaalamaya Oo Wuxuu Raba Inu Awood Wax Ku Muquuniyo

Sunday - September 12, 2021



Inta Hadal Duulo Haad Ma duulo .. Wararka laga xiganaayo gudaha Villa Somaliya ma aha mid farxad galinaaya taageera-yaasha Maxamed Farmaajo oo waxaa la leeyahay odaga mixnad ayuu dhex jibaaxaya oo dhirif awgiis dhana waa u socon-waayey, waa siloonyahay wax sidi qaad cunay, oo xitaa imtixaan baa ka haysta xaga maamuuska oo inta badan hadalka waa gagabinaaya, balse inta badan door bida muddo waqtigiisa inu ku nagaado qolkiisa jiifka, waxaa lagu xantaa in aragti iyo fikir aan la liqi-karin ee usan lahayen u la yimaado shirarka dhex-dhexaadinta ee diirada lagu saaro khilaafka taagan .. waxay leeyihiin ma muuqato rajo ka soo socota ma daama u si khasab ah ugu faruur-xiran yahay Fahad Yaasiin oo isagu waa fahade kaligi sax isla yahay waxuu farta saarna khasaaro iyo hoog tahay, balse labadooda wa Fahad iyo Farmaaje isku qaadeen iney mayalka u qabtaan xukumad aanay micnaheeda doc iyo dareen aanay u lahayen.

Laakiin Rag taageera-yaasha Farmaajo ayaa dhinacooda dirir u soo xaytay oo ka yiraahdeen " Rooble waxa u sheegaayo dhag loo dhigi-maayo ee dhaha waxaad doontaan oo waaba la ogaan wuxuu Farmajo soo wado .. ma aha hadhow in aad cabaad soo celisaan iyo sidaas ma moodeyn iyo Rooble wey isla rogi-doonta waqti aan fogeyn .. halka Taageera-yaasha Rooble ay leeyihiin: gorofka Farmajo waa inu ogolaado inu guul-dareystay

Xaalku sidi hore ma aha .. Muran badan iyo xaajo gorfeyn baa ka taagan bulshada dhexdeeda, oo sida muuqata amase dadka u kuur-gala siyaasada somaliya waxay leeyihiin Ninkaan Farmaajo Dibin baa loo dhigay waana la inqilaabay oo wax maanta gacan ugu jira ma jiraan, oo wakaas wasaaradi warfaainta iyo durdurki maaliyada xagiisa waa laga guriyey, sido kale saraakiishi Ciidamada, Boliska iyo Nisa waxay galeen gacanta wasiirka Cusub ee amniga oo waxaano lacag ah ku faraqay, isla markaa waxaa laga dilay sumcadi gudaha iyo dibada, waana adagtahay ayaa la leeyahay inu dib u soo kaco, balse lagama yaabo inu sidaas doorasho ku gali karo, waaba nasiib leeyahay haddu kiisa ikraan ka badbaado .. waxaa la xusaya in dhibka meesha yaala waa kiis daba wareejin iyo Raad muuqda oo farmaajo iyo Fahad rabaan iney dadaan oo saan loo dareemin meel dambas iyo digo xaar la mariyey laga dhigo taasna wey soo dhaaftay wax waqti kale lagu cimri dheereysto 

Waxaa lagu waramaya, Inqilaabka Cad ee lagu sameeyey Maxamed Farmaajo waa mid qorsheysan oo silsiladiisa ay ku taxan-tahay boqolaal siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil oo arintan isku bahaystay, waxayna illa hadda ku guuleysteen iney God dheer usan ka soo bixi karin ku ridaan, waxayna hadda isku haystaan meel marinta qaabki Majarafada xabaasha ciida loogu rogi-lahaa .. Maxamed Farmaajo waxaa la soo darsay khasaaro culus oo badan murugana ku reebay wuxuuna ku dambeynaya Haddi aan sidaa iyo sidaa yeeli-lahaa .. maanta kooxdi farmaajo sida dhabta ah dan baa u run sheegtay oo arintooda ciin bey daaqday oo lama joogo meel dib gurasho .. Dagaal siyaasadeed oo afgambi xabaarsan dhamaad lahayen ayaa dalka ka oogan ee saas ula socda