Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 September 2021

Waa Qiiso Ka Dhacday Dalka Holland .. Waa Qiiso Dhaba Oo Qofki islaanimadu Ku Weyntahay Ka Oohisineysa

Monday - September 13, 2021



Wiil yar oo 11-jir ah iyo Aabahiis oo ahaa imam masaajid ayaa jimco walibo waxey qeeybin jireen oo guri-guri u geeyn jireen buugaag ka hadlaayo diinteena islaamka oo la oran jirey “Wadada Janada” .. Jimco ka mid ah jimcooyinka ayaa jawiga aad u xumaa waxaa da’aayey Roob xun waxaana jirey qabow aad u daran.

Wiilkii yaraa ayaa aabihiis u yimid kuna yiri: "Aabo manta waa jimco miyeeynan buugaagtii qeybineenin ? aabhihii ayaa yiri : wiilkeegiyoo manta jawiga ma wanaagsana ee ma bixi karno ee jimcada danbe nooga dhig .. Wiilkii baa yiri asigoo ay ka go’antahey inuu baxo oo buugaagtaa qebiyo: “aabo ma ogtahey iney jiraan dad wali wadada naarta ah ku socdo oo nooga baahan inaa ka badbaadino, ee aabo aniga ii fasax anaa qeybinaayo manta buugaagta!! ..  aabihii baa u fasaxey wiilkiisa inuu qeybiyo kutubta.

Wiilkii yaraa ayaa xirtay dhar aad u culus si uu qabowga uga gambado iyo roobka socda, sidii cadaada aheed waxuu bilaabey inuu kutubta siiyo qof walboo ka soo hor baxo, siduu u qeybinaayey kutubtii ayaa waxaa u soo harey hal kutub, cid uu siiyona wuu waayey oo wadadii dhan ayaaba cidlo ah qof walibo waxuu ka ganbadey roobka iyo qabowga .. dabadeed waxuu go’aansadey inuu guri ka soo hortiisa ku yaaley inuu garaaco oo uu siiyo qofkii ka furo ilbaabka. Iridii ayuu gaaracey, wax ka furana wuu waayey, waxuu go’aansadey inuuu si fiican u garaaco ilaa laga furana uusan ka tagin irida.
Mudo markuu xoog u garaacaayey irida ayaa waxaa ka furtay haweeney uu wajigeeda ka muuqdo xanaaq iyo murugo.

Waxeyna ku tiri: wiilkeegiyo maxaan ku qabtaa? ..  wiilkii baa ku yiri: Mamo iga raali noqo hadan ku dhibey oo kaa xanaajiyey, waxaan kuu wadaa kitaab ka hadlaayo wadada janada sidaa ku gaari laheed, Ilaheyna waa ku jecelyahey, ee iga gudoon !! haweeneedi ayaa sidii ku qaadatey kutubkii ugu danbeeyey.

Markii laga joogo hal isbuuc oo la gaarey jimcadii xigtey ayaa waxaa masaajidka qudbada ka socotey markey dhamaatey ayaa imaamkii yiri: yaa su’aal qabo .. Dadkii baa wada aamusey, xooga ka dib haweeney safafka dambe ku jirtey ayaa ku dhahdey aniga su'aal qaba waxeyna tiri: jimcdaan ka hor waligey Masjid ma imaanin oo waxaan ahaa gaal, jimcadii hore waxey aheed maalintii uu iga dhintey ninkeegii, waxaana go’aansadey inaa nafteeda dilo, anigoo xarig dhuunta gashtey oo rabo inaa is daldalo ayaa waxaa irida iisoo gaaraacey qof, lakin waxaan go’aansadey inaanan ka furin, xooga ka dib ayuu xoog u garacey, waana ka forey markii danbe, waxuu ahaa wiil aad u yar oo ay ka muuqato wajigiisa farxad iyo nuur fara badan, waxuu Igu dhahey erey galbigeega taabtey oo ah ILAHEY WALI WAA KU JECELYAHEY, waxuuna isiiyey kutub yar oo aad u qiimo badan, markaan akhrsitey waxaan go’aansadey inaa wali noolaado. Diinta islaamka ahna qaato, sababtoo ah waa diin naxariis ah ,, Alxamdu-Lilaah

Qof walbo Masjidka joogey ayaa wada ilmeeyey .. hal mar kuwada dhawaaqey ALLAHU AKBAR.
Imaamkii oo ilmeenaaya ayaa wiilkiisii yaraa soo ag fariistey una mahadceliyey