Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wan-Waani Dhacantay Wadnahaa Farta Lagu Haya .. Wax Ka Ogow Cidda Fashalisay Wada-hadaladi Farmajo Iyo Rooble

Friday - September 24, 2021




Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

 Wuxuu yiri: Sidaad lawada socoteen Madaxweyne Galmudug Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahan ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble .. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan

Xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicaziiz Laftagreen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble, sido kale
Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaamada Midoobay ayaa iyaguna si kala gooni-gooni ah madaxda dowladda ugu soo jeediyay inay xalliyaan xilaafka, loonaa soo jeedsado ‘geeddi socodka doorashada.”