Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 21 October 2021

Tigreyga Oo Ku Taahaya Naftu Iney Maqnaato Iyo Iney Mahad Ku Noolaato Oo Weli Sii Raamsanaaya Degaanadi Amxaarada Kuna Jaheysan Docda Adis-Ababa .. Been-Shube Aabi Axmed Oo ILmada Shubaya

Sunday - September 26, 2021



Meel-kasta oo ka mida dhulka itoobiya waxaa maanta ka socda dagaalo culus iyo baaruud la buufinaayo oo faraha looga gubtay iyadoo falsafada dagaalkaas u ku saleysan-yahay aar-doon aan xal-lahayen .. dagaalkaas oo cagta cagta la isu saaray iyo mawjadow dhiga camiray, oo sida la sheegay wabiyaasha caseeyey waxaa la xaqiijiyey in inta badan degaanada Amxaarada ay gees ka gees ka holcayaan dagaalo la isku shuf-beelay ayna soo qaadeen guutooyin mitidka Tigreyga, waxaana la xaqiijinayaa in ugu dambeys waxay soo gur-guurtaan ay markaan soo af-meereen magaalooyin badan, isla markaana ay kaabiga ku hayaan caasmadaha Gondor Iyo Baxrdaar .. Gogol-xaarka iyo jihooyinka Togreyga waa Caasimada Adis-Ababa

Warka runta ah oo la sugay ayaa sheegaya in labadaas caasimadood waa Baxridar iyo Gondore ay iminka go'doon ku jiraan oo inta badan gudaha xaafadaha ay ka kooban yihiin degaamadaas ay haystaan Jabhada Tigreyga .. Shacabki degaanadaas naf la-caari awgiis wii-wii qaylo ayaa ka yeertay oo iyagoo kala socdaalay waxay u yaaceen meelo ay nabad ka raadinayaan, waxay ku sanduleysmeen carar iyo qax .. Abiy Axmed wuxuu ciidan iyo xoog lahaa waa la ceejiyey

Sida la xusaayo Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada, waxay caan ku noqodeen fuleynimo, xuub-caaro oo quus ka istaagay is ka difaaca Tigreyga waxaa ku dhacay bariiqasho iyo jaah-wareer oo xitaa ay garan la'yihiin qaab ay isku difaacaan amase ay isu abaabulaan .. ciidamadi itoobiya gabi ahaanba waxaa laga dhigay wax la dilay wax la baqo eryey waxaase ku dhacay tafaraaruq, walbahaar iyo kala carar

Maamullada dalka ka jira ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay ku biiraan dagaalka, iyadoo isu soo baxyo lagu qabtay dalka oo dhan si dadka loogu dhiirigaliyo inay is qoraan oo ay ka qayb qaataan dagaallka ka dhanka ah TPLF, hasa ahaate qorshahaas guud ahaan waa shaqeyn waayey oo qolo kasta waxay dib ugu noqdeen goboladi ay ka soo jeedeen

Garma-qaate been shube, Abiy Axmed ee marki hore kibirka ku baaqay, laakiin hadda ku dambeeya gocasho, calaacal iyo cabaad awgeed ilmadu ka socoto ayaa intaa si indho-adkaana ku haya waan guuleysaneyna, balse waxaa la sheegay in warkiisa ay runta ka fog-tahay oo xukunkiisi ciir-ciiraayo, sido kale saboolka dhergay nabada isaga saafaadaaya iyo Eritreya kaligaa baa leh, balwada xun waa Afawarge marku biirka iyo khamriga cantuuga balaayada iyo colaada tiraaba aya isagana la filaaaya maalmahaan inu wiishka la boodo