Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Saaka Waxa Jooga .. Ciidamadi Yuuga-Wamaa-Yuuga Shiinaha Ee Dhulka iyo Cirka Oo Dhaqaaqay Rabana Iney Soo Taabtaan Taiwaan

Sunday - October 3, 2021




Cabsiyey Fur lagu gali .. Taiwan oo difaac iyo keeb la yuurar ku jirta ayaa Shiinaha ku eedeysay gardaro aan geedi loogu soo gaban kadib markii tiro aan hore loo arag oo ka mid ah diyaaradaha militariga Shiinaha ay u tallaabeen aaga difaaca hawada Taiwan .. Shiinaha oo ku tilmaama Taiwan qawleysato burcad ka sii xun ayaa daandaansi halkaas ka wada oo diyaarado badan kuwa dagaalka ah halkaas u diray

Rai’sul wasaaraha Taiwan, Su Tseng-chang, oo arintaa ka digaya ayaa sheegay in Shiinaha uu dhaawacay nabadda gobolka inta uu ku guda jiray falalka caga-juglaynta, wuxuu kalo raiisal wasaaruhu xusay in waxkasta oo dhaca ay is difaaci-doonaan .. Taiwan ayaa sheegtay in ay diginin u dirtay 38 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee Shiinaha leeyihiin kuwaasi oo soo galay hawadeeda.

Inti waqtiyadaan dambe dawlada shiinaha waxay si gabsho la'aan ah ku goodineysay in Taiwan ee mareykanka malmaluuqay ay shiinuhu dalka hooyo ku soo celiyaan, taaso keentay in ciidamao badan oo shiinaha leeyahay ay halkaas iyo xuduuda ay la leedahay Taiwan ku gaadantay.

Dhinaca kale maamulka madaxweyne Baiden ayaa ka digay in shiinuhu usan ku dag-dagin faragalinta Taiwan kana talaabin xuduuda isla markaana la dhawro qaranimadooda oo caburinta laga daayo