Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maxay Danbi Xoogsadeen Maxay Samo Duudsiyeen Oo Maxay Godob Daaqsadeen .. Shirqoolki Iyo Fitnadi Lagu Dilay Amiirkii Horyaalka Muslimiinta Cusmaan Bin Cafaan Ee Malaaiigtu Ka Xishoon Jirtay

Thursday - October 7, 2021



Maalin jimca ah oo oo amiirka Muumininta Cismaan Bin Cafaan RC dul saaran-yahay Minbarka Masjidka ayaa koox mooryaan fidno wadayaal ah dhagax ku shiideen, dabadeedna Minbarki ayu ka soo dhacay, dabadeedna gurigiisa ayaa loo qaaday isago wareersan, laakiin nimankii Mooryaanti fidna wadayaashii ayaa kaga sii hormareen gurigiisii oo go’doomin daran ku qabteen oo xitaa u diideen inusan banaanka u soo bixi karin Jimcahaasina waxuu ahaa Jimcahii ugu dambeeyey ee uu dadka Tujiya iyo markii ugu dambeysay ee uu banaanka usoo baxa,

Qaar badan oo ka mid ahi saxaabada ayaa iyana guryahoodii laasimay oo iska joogay, kana fogaaday fidnada taagan.  Markaas bay qaar kamid ah wiilashii saxaabada ahaa is aruursadeen, waxaana kamid ahaa Xassan iyo Xuseen Abuu Hureerah iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo qayrkood.

 Fidna wadayaashiina waxay Cismaan usoo bandhigeen in saddex arrimood middood uu yeelo, inuu is casilo, ama inuu Marwaan bin Xakam usoo gacan geliyo ama in ay dilaan?

Arrimahaasi oo idil Cismaan RC kama yeelin, wuxuuna u sheegay in saddex arrimood dhiiga qofka Muslimka ahi uu ku banaan yahay, inuu qof dilay oo loo qisaaso, ama uu sineystay asagoo horey usoo guursaday ama uu riddoobay. Arrimahaasi oo idil wuxuu Cismaan sheegay inusnan midna ka fulin, wuxuuna sidoo kale dhibsaday masuuliyaddii Alle uu dul saaray inuu fidna wadayaasha u gacan geliyo.  Wuxuuna mar ku riyooday Rasuulka (scw) oo ku leh:- Waxay u dhawdahay inuu illaahay khamiis kuu geliyo, ee markii ay damcaan fidna wadayaashu inay kaa siibaan ha yeelin, jeer aad igala kulanto.

Maalmihii ugu dambeeyey xisaarka ayaa waxaa mar dhex maray dagaal raggii Cismaan waardi-yeynayey ee wiilashii saxaabada ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin Zubayr iyo nimankii fidna wadayaasha, taasuna waxay ahayd ka hor intuusan Cismaan kala dirin raggii waardiyeynayay. Markaasi bay qaar kamid ah raggii difaacayay Cismaan halkaasi ku geeriyoodeen, Cabdullaahi bin Zubayr iyo Xassan bin Cali iyo Marwaanna waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Waxaana kusoo haray daarta Cisma RC iyo dumarkiisii iyo carruurtiisii. Qaar ka mid ah saxaabada sida Cali oo kale baa dhib iyo rafaad marmar ugu geyn jiray biyaha, kadib markay hor istaagid daran iyo cay kala kulmaan nimanka fidna wadayaasha ah. Wuxuu ku sugnaa xaaladdaas amiirkii Mu’miniinta. Waxayna ku qabteen rafaadin aad u daran. Biyahii guriga u yiillay baa ka dhammaaday, saa biyo kalena meel ay uga imanayaan ma jirin oo aanan ka ahayn, wax si qarsoodi ah uga yimaada dhanka daarta Cabdullaahi bin Xaazim oo ay markaasi deris ahaayeen, xilliyada habeenka, ama wax ay saxaabadu dhib ugu keenaan mooyaane.

Xaalladu way darnaatay, fidnadiina way hurtay. Magaalladiina waxaa hantiyey nimankii Mooryaanta kheyr ma qabayaasha ahaa. Intii badnayd dadkii reer Madiinana, waa ay ka kala carareen oo waxay aadeen xajkii. Markaas baa waxaa yimid war sheegaya, in dadkii xajka u baxay oo idil ay doonayaan inay Madiina soo aadaan si ay amiirka uga difaacaan nimankan fidna wadayaasha ahi.

Sidoo kalena Mucaawiyah inuu ciidama culus kasoo diray dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama, Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Saraxna in uu soo diray ciidamo culus oo uu hoggaaminaya Mucaawiyah bin Khadiij, Kuufana ay ka soo baxeen ciidama uu hoggaaminaya halyeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr, Basrana ay kasoo baxeen ciidamo uu hoggaaminaya Mujaashac ayaa soo gaaray reer Madiina. Markaas bay fidna wadayaashii go’aansadeen inay Cismaan dilaan ka hor intaanay ciidamadaasi soo gaarin.

Maalintaasi ayada ahi ee Csmaan RC la dilayay, wuxuu waabariistay asagoo sooman, markaas buu salaad u kacay oo ku furfurtay suuradda Daahaa, oo akhriyey in muddo ah, markiina uu salaaddii ka faaruqay buu soo qaatay Musxafka oo kala furay oo akhriyey. Asagoo akhrinaya ayayna, fidna wadayaashii soo galeen oo markii hore albaabkiisa gubeen, markaasay ka cabsadeen in dabka uu gaara Beytul maalka, oo dhaqsa damiyeen, dabeetana waxaa u soo galay Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo 13 nin oo asaga daba socotay.
Markaasuu Maxamed intuu Cismaan u dhawaaday qabtay garka oo markaa yiri:- Wax miyuu kuu taray Mucaawiyah? Oo wax makuu taray Ina Caamir (C.llaahi bin Caamir bin Kureys)? Oo miyay wax kuu tareen wixii (ciidamadii) aad aruurineysay? Markaas buu Cismaan yiri:- Maandhoow!! ii sii daa garka, illaah baan ku dhaartaye waxaad qabatay meel uusan aabahaa qaban jirine (yacni uu ka xishoon jiray). Markaas buu Maxamed bin Abuu Bakar dib u laabtay asagoo ka xishooday

Dabadeed Maxamed Abubakar marku ka baxay goobto, mid ka mida mooryaanti ayaa ku dhawaaqa oo yiri: Dhiiggiisa waa inoo xalaal, oo markaasi maalkiisu xalaal inooma ahan (miyaa)? Dabeetana markay Seef madaxa uga gooyeen, ayey Baytul maalkii galeen oo ay wixii hanti iyo maal ee yiillay ka gurteen. Waxayna ka heleen hanti fara badan. 
Galbeedka Baqiic ayaa lagu aasay Cisman bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, meel ka yara durugsan qabuuraha Muslimiinta. hasa yeeshe Marki la gaaray waqtigii Mucaawiyah, buu amray in dhanka qabrigiisa ku aastaan dadka ay ehelladooda ka geeriyoodeen, jeer markii dambe ay qabuurahii Muslimiinta gaareen halkii uu ku aasnaa Cisman ilaahay haka raalli noqdee.

illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa oo ha u waasiciyo amiirkii Mu'miniinta ee Cismaan bin Cafaan.

Aamiin Aamiin Aamiin.