Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 November 2021

Akhbaarti Zamanki Hore .. Nabi Duulaan Ah Oo Qoraxda Loo Joojiyey

Thursday - November 4, 2021



Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in uu yiri: Rasuulku (SCW) wuxuu dhahay: (Nabi Nabiy-aasha ka mid ah ayaa duullaan qaaday, markaasuu ku yiri qowmkiisii Yaanu iraacin: 
1- Nin naag mehersaday, walina aan dhisan oo doonaya inuu la aqalgalo .. 2- Nin guryo dhistay oo aan wali dadin yacni jiingad saarin .. 3- iyo Nin ari ama halo riman amase geel dhalaayo soo iibsaday oo sugaya fooshooda.

Nabigi Duullaankii ayuu qaaday, wuxuuna u dhawaaday magaaladii xilligii salaadda casar ama mar ku dhaw, markaas ayuu ku yiri qorraxdii: adigu waad amran tahay, anna waan amranahay. Alloow noo xabis (jooji) .. Markaa ayaa qorraxdii la joojiyay ilaa magaaladii laga furtay (qabsaday).

Nabigii wuxuu soo uruuriyay qaniimadii, markaasaa dabkii yimid; si uu u cuno qaniimada waase cuni waayay, markaasuu Nabigii yiri: khiyaanaa idan ku jirta (qaniimo xadow) ee qolo kasta nin ka mid ah ha ila galo beeco (gacan qaad).

Kolkaas ayay nin gacantiis ku dhagtay gacantii Nabiga, markaasuu ku yiri: idinkaa khiyaanadu idan ku jirtaa ee qabiiladaadu ha ila baayactanto, ka dibna labo ama seddex nin ayaa gacmohoodii ku dhageen gacantii Nabiga, markaasuu ku yiri: idinkaa qaniimada khiyaanay.

Kolkaas ayay keeneen Sac madixiis oo dahab ah, waxayna ku soo dareen qaniimadii, markaasaa dabkii yimid oo qaniimadii cunay.

Markaa ka dib ayaa Ilaahay annaga noo xalaaleeyay qaniimooyinka, Wuxuu arkay taagdaridayada iyo cajsigayaga markaasuu noo xalaaleeyay).

Faa’iidooyinka xadiiska

Nabigaan hadda laga waramayo waa Nabi Yuushac sida uu caddeeyay xadiis Imaam Axmad wariyay, waana wiilkii la socday Nabi Muuse markii uu Khadir u socday.

Nabi Muuse ayaa ku dhaafay reer Banii Israa’iil markuu dhimanayay, waana Nabigii furtay dhulka barakaysan ee Bayt almaqdis oo xilligii Nabi Muuse ay diideen reer Banii Israa’iil inay galaan.

Madaxda ciidamadu waxay ku dadaalaan in ay uruursadaan tirada ugu badan ee ciidan ah oo ay heli karaan. .. Nabi Yuushacse wuxuu xoogga saaray tayada ciidanka waliba xagga Alle ku xirnaanta.

Nabi Yuushac wuxuu diiday in ay raacaan dadka sababta u noqon kara jabka ciidanka oo qaluubtoodu adduunyada ku mashquulsan tahay.

Waxaa ugu horreeya nin gabar guursaday oon wali u galmoon oo miskaxdiisu iyadii la jirto iyo suu u dhisan lahaa, waliba hadduu dhallinyaro yahay ama gabadha aad u jecelyahayna kaba sii daran .. Kan labaad waa nin guryo dhismohoodu qabyo ka yihiin oo dhammaystirkooda ka fakaraya.

Kan seddexaad waa nin geel ama ari rimman soo iibsaday oo maankiisu ku maqan yahay dhalistooda iyo ubadka ay dhali doonaan.

Dadka Nabi Yuushac diiday in ay raacaan waa dad waxyaabo xalaal ah ka fakaraya, kuna mashquulsan. Haddaba maxay kula tahay dad iyagu ciidanka muslimiinta ugu dhex jira sidii ay xoolo uga heli lahaayeen ama xukun ugu gaari lahaayeen ama kula dhex jira ciidanka cabsigalin, dicaayad, isku dir iyo basaasnimo. Waxaa waajib ku ah hoggaanka ciidanku in ay ka sifeeyaan ciidanka dadka noocaas ah.

In kasta oo Nabi Yuushac ku dadaalay in uu ka sifeeyo ciidankiisa dadka dhinacooda laga soo gali karo hadana waxaa ku haray qaar iimaankoodu daciif yahay oo qaniimadii xaday. Madaxda ciidankana waxaa saaran in ay khaladkooda horay ka saxaan ee aan la oran waa raggee daaya.

Qisadu waxay tusaysaa ahmiyadda ducadu leedahay gaar ahaan marka cadaw la is hayo. Nabi Yuushac markii uu arkay in waqtiga u haray yar yahay ayuu Alle weydiistay in uu qorraxda u xayiro inta uu tuulada qabsanayo, Allena waa ka aqbalay. Daaluut iyo mu’miniintii la socday Alle ayay ka baryeen in uu sabar siiyo, uu sugo, uuna ka guuleeyo gaalada. Nabigeennuna maalintii Badar Alle ayuu baryay ilaa go’ii sare ka dhacay oo uu Abuubakar ka yiraahdo: Ilaahay waa kuu oofinayaa wuxuu kuu ballanqaaday. Kolkaas ayuuna soo degay nasriga Ilaahay.

Xadiisku wuxuu ku hanuuninayaa dadka madaxda ah in aysan u dhiibin arrimaha waaweyn ee ummadda dad quluubtoodu wax kale kaga mashquulsan tahay.

 Hogaanka ciidanku wuxuu u baahan yahay aqoon dabciga dadka iyo doorasho dad awooda inay ku sabraan goobta dagaalka, isla markaana laga fogaado adeegsiga dadka dhankooda islaamka looga imaan karo.

Xadiisku wuxuu tusayaa mucjisooyinka Alle siiyay Nabi Yuushac, sida: joojinta qorraxda oo Alle ducadiisii aqbalay iyo in uu tusay qabiilkii iyo nimankii qaniimada xaday.

Qisadu waxay xambaarsan tahay sida Alle ugu hiilinayo ahlu-xaqa iyo inay reer Banii Israa’iil ku jireen dad saalixiin ah oo jidka Alle ku jihaada, Allena fatxi siin jiray.

Qaniimadu xaaraan ayay ka ahayd uumankii hore, innagana Alle ayaa inoo xalaaleeyay markuu arkay baahideenna iyo taag darrideenna. Waxay ka mid tahay xalaalaynta qaniimadu waxyaabaha Alle gaar u siiyay Nabigeenna (SCW) oo aysan Nabiyaasha kale la wadaagin.

Qaniimada in la xado waa dambi, dabkiina wuu cuni waayay markii qayb la xaday, markii la soo ceshay intii laga qaatayna wuu cunay markiiba. Nabigeennu wuxuu inoo sheegay in uu nin xaday go’ qaniimada ka mid ah oo uu isaga oo dab ah qabriga kula holcay. Waxaa kale oo uu sheegay in kii qaniimada wax ka xada uu aakhiro keenayo isaga oo dusha ku sida.