Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Talow Akhristayaasha Ma Rumeysan-doonaan .. Kaadida Geela Oo La Ogaaday In Ay Cuduro Badan Daawo Ka Tahay

Friday - November 5, 2021





Prof: Ahmed Abdalla Al-hmadani oo ah dhaqtar u dhashay dalka Suudaan ayaa bukaanada aad ugu daweeya kaadida Geela wuxuu sameeyaa caanaha geela iyo kaadida geela intuu isku daro ayuu bukaanka siiyaa subax walba muddo 4 ilaa 5 bilood ah .. bukaano badan ayaa sidaa ku caafimaaday oo markii hore qabay xanuuno daaweyntooda laga quustay. La soco oo kaadida iyo caanaha geela oo laysku daro Nabigeenna muxammed CSW ayaa dad xanuunsanaa ku daaweeyey.

Sidoo kale Prof Axlaam Al-ciwadi oo ah aqoon-yahanad u dhalatay dalka sucuudiga ayaa cilmi baaris muddo qaadatay ku sameysay kaadida Geela ugu dambeynna waxay ku soo bandhigtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland Kareem ay ka samaysay kaadida Geela, kaasoo awood u leh inuu daweeyo cudurrada maqaarka ku dhaca sida Cambaarta, finanka, Kansarka-maqaarka , fangaska ciddiyaha gala.

Soo bandhigidda kareemka iyo cilmi baarista ay samaysay Axlaam Al-ciwadi ayey ku guuleysatay bilad dahab ah.

Shirkado sucuudiyaan ah ayaa kaadida Geela ka sameeyey: Cabitaano, kareemo, iyo Saliid Timaha la mariyo, kuwaasoo faa’idadooda la tijaabiyey.  { أَفَلَا يَنْظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ }