Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ogoow Sadaqo Maal Ma Yareyso .. Nin Sama Fal Badnaa Oo Janaasadiisa Ay Ka Soo Qayb-galeen 500-000 Qof

Thursday - November 11, 2021




Qaahira .. Nin la oran jiray Sallaax Bin Caddiyah wuxuu degganaa tuulo ay dad sabool ah degganaayeen oo ku taalla waqooyiga Masar .. Isaga iyo Siddeed ka mid ah Saaxiibadii ayaa go'aan- saday inay furaan mashruuc xanaanada Digaagga ah.

Mashruuca waxay ku kharash gareeyeen 200 oo jineeh oo u dhiganta 12$ dollar oo keliya .. Salaax Bin Caddiyah oo mashruuca madax ka ahaa wuxuu go'aan saday inuu dadka saboolka ah saami ka siiyo faa'idada mashruuca, 10% lacagta faa'idada ah ayuu bilaabay inuu siiyo dadka faqiirka ah.

Sadaqo maal ma yareysee Mashruucii waa uu guuleystay, bilooyin yar kadib faa'idada mashruucu waxay gaartay malaayiin juneeh, mar walba oo ay faa'idada sii badato waxaa sii badanaayey Lacagta uu sadaqo ahaanta u bixin jiray.

Mashruucii cirka ayuu galay, markii hore wuxuu ahaa mashruuc xanaanada digaaga ku kooban balse wuxuu isku beddelay mashruuc xanaano xoolo iyo beero waaweyn leh.

Waxaa u suurta gashay Sallaax Bin Caddiyah inuu tuulada ka dhiso dugsiyo Lacag la'aan ah oo ay wax ku bartaan kummanaan arday. Sidoo kale wuxuu tuuladiisa ka dhisay jaamacaddii ugu horeysay oo ay dhigtaan 1600 oo arday.

Tuuladdiisa wuxuu u sameeyey waddo Tareen, wuxuuna shaqaaleysiiyey kumanaan dhalin yaro ah oo shaqo la'aan haysay .. Sidoo kale wuxuu sameeyey xafiis ay ka diiwaan gashan yihiin dadka saboolka ah ee tuulada deggan iyo caruurta agoonta ah kuwaasoo bil kasta Lacag noloshooda ku filan ka qaadan jiray xafiiska.

Salaax bin caddiyah ma jecleyn inuu warbaahinta ka soo muuqdo, maadaama uu shacbiyad weyn haysto dhowr jeer ayaa lagula taliyey inuu xildhibaan-nimo isu sharraxo balse wuu iska diiday.

Alle ha u naxariistee Sanadkii 2016 ayuu geeriyooday, janaasadiisana waxaa ka soo qeyb galay 500,000 qof .. Saalax ma jecleyn inu warbaahinta ka soo muuqdo

Mushaarka aad qaadato haddii aad 10% sadaqo ahaan u baxsato si joogto ah, intaas iyo ka badan oo faa'idada waad helaysaa, dad badan oo sabool ahna baahidooda waad dabooli karaa, ee haddaba aan bilowno Insha allaah.