Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Mucaaradkii Indhihiisa Nuurka Waayey Oo Si Wacan Loogu Jeexay xuubki Kaga Daahnaa Siyaasada Khiyaaliga Ee Rooble .. Roble Waa La Fahamay Oo Wuxuu Ku Haray Farmaajo Laga Dareeray

Saturday - November 20, 2021




Muqdisho  – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si lama filaan ah xilki ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali oo ay xulufo gaara yihiin madaxweyne Farmaajo, illa hadda si cad looma sheegin sababta keentay in xilkaas laga qaado,waxaase is-badalkaas illa hadda un kaliya laga arkay in Rooble si cad oo aan dah saarneyn u yahay Qof jeebka Farmaajo ku jira, isla markaana waa farmaaje midida daabkeeda haya oo sidu doono ka yeela awooda dalka .. laakiin waxaa qaadan-waa ah in xiligaan oo dorsho loo dareeray la qaado talaabo aan waafaqsaneyn durufta taagan ee la xariirta doorashada .. dhinaca kale haddi la eego waxaa muuqata in dalka u galaayo jaah-wareer cusub, mana muuqato qorsho iyo garasho sareysa oo looga baaqsan-karo colaad iyo fitno hor leh, waayo Farmaajo wuxuu iska daawanaaya darbi dilaacyo waaweyn yeeshay, wuxuu garan la'yahay intaan dalka iy Dadka darbiga ku soo dumin badbaadi.
 
Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Wasiir dibadeedka Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin.