Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Puntland - Jubaland Oo Dhuquc Iyo Dhagac Iyo Orod Jaanta Siyaasadeed Isla Helay .. Mudane Axmed Madoobe: Waa Markeni Iyo Reer Tolkey Kablalax .. Mudane Dani: Ari Boowe Anba Wey-Kan

Sunday - November 21, 2021



Maalin Wanaagsan Idil Ahaantin-ba Ee Dhamaan Soo Booqayaasha Galdogob Times Aan Idin Waramo .. Warar rasmi ah oo soo garaya wargeskaan Galdogob Times ayaa lagu sheegay in kulanki Axmada Madoobe iyo Saciid Dani u ahaa mid looga xaajoonaayey sidi suragal looga dhigi-lahaa in mudane Saciid Dani u uga qayb gali-lahaa sharaxaada tartanka madaxtinimada Somaliya.

Labadaas Madaxweyne, Kulmadaas dhexdooda ah oo marar badan si kala gooni ah u dhacay waxay gabagabadi shirkoodaas ay markaan ka soo qayb-galiyeen shakhsiyaad ka mida maamulka Puntland oo u ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karash iyo waliba Raiisal baarlamaanka Puntland iyo shakhsiyaad kale oo iyagana muhim ka ah mandiqada .. kulankaas oo mudane Axmad Madoobe hadal ka jeediyey wuxuu sharxaad kooban ka bixiyey xaalada maanta ay ku jirto Somaliya ee ah Sharci-daro, is-nicid iyo kala daadasho ilaa heer la gaaray in la is hubeeyo, waxaa la oran-kara ayuu yiri Somaliya xaalada ay ku sugantahay awgeed naftu ma ka baxday mise waa ku jirta sidaasna raali kama ahaan karno, sidaa daraadeed ayuu yiri musharax kasta oo damac ka hayo hanashada kursiga madaxtinimada waxaa hor yaala imtixaanka shacabka .. wuxuu yiri waa imtixaan kakan oo aan natijada ka soo baxeysa cidna ogeyn, balse la si maleyn-karo, hasa-yeeshe guuldaradu ma aha dhamaadki nolosha

Mudane Axmed Madoobe, oo hadalkiisa si wata ayaa carabka ku dhuftay in Talada maamulka dalka la wada leeyahay, oo cid ay u gaar tahay-na aaney jirin, balse qof jeebka iskaga sidan-karana laga aqbali-doonin, wuxuu kalo halkaas ka cadeeyey in waqtigaan loo baahanyahay in Nin ka mida tolka Beesha Kablalax u ka qayb galo tartanka madaxtinimada Somaliya, hasa ahaate wuxuu si gaara farta ugu fiiqay in mudane Saciid Dani u yahay ninka saxda ah oo xilkaa maanta qaadi-kara, wuxuuna ku tilmaamay Saciid Dani inu ka aqoon iyo garasho badan yahay kuwa dabada laga wado amase inta maanta muuqata ee is sharaxaada u taagan, wuxuu kalo ku tilmaamay inu yahay nin kalsooni isku qaba, raganimo leh oo siyaasadiisa iyo waxtarkiisa aanu jirin qof haweysan-kara .. inta badan ayuu yiri ee is sharaxeysa dalka waa u soo shaqo tagtay, sidaa daraadeed Saciid Dani iyo kuwaas aan tilmaamay ma ah dad xaga garashada isku misaan ah .. Wuxuu Axmad Madoobe hadalkiisi ku soo gabagabeeey oo yiri: aan taageerno oo gacan ku siino xaalad kasta oo walaalkeen Saciid Dani u kaga gudbi-karo is baarooyinka cdawga u dhigaaya.

Xubnihi shirkaas fadhiday oo iyagana ay ku dhibicday soo jeedinti Axmed Madoobe ayaa fikirkooda halkaas ka dhiibtay waxay gogoshaas shirka iyo hadalki gunaanad-kooda mid mid ku cadeyeen in taageero buuxda siin-doonaan Saciid Dani, iyagoo markaas meesha ku balanqaaday in xulista xildhibaanada baarlamaanka ay uga dambeyn-doonaan Mudane Saciid Dani oo wax qash-qashaada aysan la imaan-doonin

Dhinaca kale war laga xigtay diplomaasiyiin shisheeyey oo arimaha Somaliya si gaara u daneeya ayaa falaanqeyn saadaal ka sameeyey tartanka doorashada madaxweynaha soo socda kuwaaso Odoroskooda ku yiri: Mudane Maxamed Farmaajo wuxuu wareega kowaad ku heli-doona tiro Cod boqolkiiba 45% halka Mudane Saciid Dani u tiro Cod boqlkiiba 41% heli-doono .. Hasa ahaate wareega labaad u Saciid Dani ku baasi-doono Cod gaaraya Boqlkiiba 80%, oo sida muuqata codad kala duwan u ka heli-doono musharaxiinta heer fiican soo gaari-waayey