Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Silsiladi Taariikhda Duuga Dib Loo Xasuusto Ee Tanade Daarood Dhagta Ka Fac Dheer Ishaaduse Waa Ku La Fil Ee Ka Faaideyso .. Boqorki Diif-Tire Tanade Daarood Iyo Dhacdadi Xukunkisi Lagu Soo Af Jaray

Wednesday - January 5, 2022



Caawa waxaan ka sheekaynayaa sheeko aad u fac wayn oo salka ku haysa taariikh aad u qoddo dheer. Waa taariikh dahsoon oo Somali badankeedu aysan ogayn. Waa silsilad soo taxnayd qarniyo badan. Waana taariikh wiil Aabe ka dhaxalay, Aabbena Aweewe ka dhaxlay  

Sanadihii tegey iyo saanteenii aan dib u raacno, Qarniba qarni aan uga gudubno, dhalashadii Axmed Gurey aan sii dhaafno. Tobaneeyo qarni ka badan aan saacada dib u celino. Odaygii Daarood ahaa oo nool aan u tango oo sheekadeenu halkaas ha nooga bilaabato. 

Odaygii Daarood ahaa wuxuu dhalay Shan wiil. Shantaas wiil kan dhexe waxaa la oran jirey Tanade. Tanade waa ninka ay ka farcameen Qabiilka Somaliyeed ee la yiraahdo Leelkase .. 
Waxaa nagu maqaalaa oo tariikh ahaan nagu soo gaartey in Tanade uu Abihiis Daarood gacan yare u ahaa, aadna uu ugu dhega nuglaa. Gaboow iyo geeribaan nina gees marayne, Odaygii Daaarood ahaa wuu jiradey, wuxuuna garwaaqsaday inuusan aduun soo joogayn. Daarood oo tacbaan ah ayaa Tanade oo ag fadhiya ku yiri, aabbe anigu aduun waan ka jiitaye waxaan kuu sheegayaa meeshii aan ku aasay Dahabkaygii. Tanade oo ilmaynaaya ayuu Daarood u sheegay kobtii uu Dahabku ku aasnaa .. Daaroodna isla saacadii gudaheedii buu xijaabtey .. Allow u naxariiso

Tanade oo Daarood maydkisii ku dul ooyaaya ayaa waxaa u yimid Afartii wiil oo walaalihiis ahaa. Aaskii Daarood ka dib ayay Afartii wiil gees ula baxeen Tanade oo waydiiyeen Dardaarinkii odayga iyo Dahabkii meesha uu ku xasaysan yahay. Tanade wuxuu ku jawaabey, Aabbe Dahab igalama hadlin .. Afartii wiil ma rumaysan hadalkaase Tanade way buga-bugeeyeen, warse ka heli waaye. Markii dambe ayay inta isu qabteen dhinaca dhulka u dhigeen Mindina hunguriga ka saareen, waxayna u sheegin hadii uusan sheegin meesha uu Dahabku ku jiro inay biray-nayaan, Tanade wuxuu ku jawaabey DHULOOW DHAXAL.

 Afartii wiil halkaas waxaa uga cadaatay in Tanade uusan sheegaynin meesha Dahabku ku aasan yahay. Subag weel ku daatay sina uma xumaane, waxaa kaloo wiilasha is tustay, Dahabku intuu lumi lahaa in ay roon-tahay in walaalkood dhaxlo. Waxayna go'aan ku gaareen in Tanade aan wax dhaxal ah laga siin xoolaha intooda kale oo ay afartoodu qaybsadaan. Sidaas bay u sheegeen Tanade wayna iska sii daayeen.

 Muddo ayaa ka soo wareegtey Tanade iyo wiilashii kaleba waa guursadeen caruur bay dhaleen, inkastoo ay isku degaan ahaayeen hadana way kala wareegi jireen, Tanadena Dahabkii buu hoosta ka dhuuqi jirey. Waxaa dhacday in Tanade guursadey dumar badan dhalayna caruur aad u badan, caruutiisiina caruur sii dhashay.

 Tanade oo da'wayn jira ayaa wuxuu soo gaarey caruurtiisii iyo caruurtay dhaleen oo  boqolaal gaarayey hanti aad u badana yeeshay, ileen waa dad Dahabakii Daarood u dhitaysan yahaye. Markay dadkii bateen ayaa loo baahday xukun iyo boqortooyo dadka kala hagta, waxaana maal iyo dad badnaan ku qaaday masuulkaas Tanade warasadiisii.

Aminkaas Somali badankeedu waxay ku noolaayeen Bari, waxaana ka aasaasantay Bari Boqortooyo Tanade .. Boqortooyadaas waxay soo jirtey mudoo ilaa iyo hada laga joogo todobo boqol oo sano ku dhawaad. Waa boqortooyadii reebtay maahmaahda ah. Nin tollwaayey Tanade sheegay oo micnaheedu yahay, ninku markuu nafta u yaabo oo  cadawgii u gacan galo oo uu is yiraahdo maanta laguma daynaayo, waxa keliya oo uu ku fakan jirey waa inuu yiraahdo Tanadaan ahay, boqortooyadaas cabsi laga qabo darteed baa ninkaas lagu siidayn jirey.

Boqoradii Tanade kii ugu dambeeyey waxaa lagu sheegaa magaciisa Diiftire oo uu micnaheedu yahay Daaltire. Todoba qarni ku dhawaad ka hor ayay Somalidii ku hoos noolayd boqortooyada Tanade tashadeen oo duulaan culus ku qaadeen boqotooyadii, halkaas ayaana lagu laayey kumanaan kun oo Tanade  iyo taageerayaashoodii ah .. Lafihii dadkii la laayey waxaa lagu aasay meel Bari ku taal oo ilaa hada lagu magacaabo LADIID IYO LAFA TANADE

Kala qaxii dagaalkaas keenay ayay Tanade ku kala yaaceen, waxayna u kala qaybsameen dhawr qaybood oo kala ah. Korshe iyo Warodhaqo oo u qaxay xagga Itoobiya iyo inta kale oo somaliya ku kala firirsan. gaar ahaan Mudug, Bari ilaa iyo Buur-hakaba.

Dagaalkaasi Tanade ama Leelkase wuxuu u noqday tusaale aan la illoobi karin oo tusay cawaaqib xumada ay leeyihiin amar-kutaaglaynta iyo Alle ka fogaadku. Waxaa u cadaadtay in xoog kasta oo aad leedahay iyo xoolo kasta oo aad leedahayba mar uun taladu kaa liicayso. Waa sida uu Qamaan Bulxan ka gabyey sheeko la mid ah sheekadaan Tanade, Waana kan gabaygii Talla Aduun.

Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
 
Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
 
Tanade waxay u jeesteen xag Ilaahay oo aduun waa ka sii jeesteen. Waa waxa ilaa iyo hada Somali oo dhan u aaminsan tahay in Leelkase ama Tanade uusan rabshad jeclayn.

Sheekadaan Waxaan Ka Soo Xigtay Abwaan Maxamed Cali Daqle