Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Cabirka Odoroska Ninka Noqonaaya Madaxweynaha Somaliya .. Sadex Arin Oo Cadeyn U Ah In Deni Iyo Farmaajo Ay Doorashada Wareega Ugu Dambeeya Gaari-doonaan

Thursday - January 6, 2022




Waa Aragti Ka Madax Banaan Nin Jecleysi, Caadhifad Qabiil Iyo Kooxeysi, balse ku qotanta Cilmi baaris iyo xog-ogaalnimo ku saleysan run iyo aragti caafimaad qabta, waxaana ka afeefanaaya hadalka iyo is-tabceyntiisa, waayo hadaad ummad wax u sheeg is tiraahdo waayi-meysid mid si xun wax u qaata

Sida yaqiinta ah illa hadda lama Saadaalin-kara qof noqon-dona Madaxweynaha JFS, balse waxaa la saadaalin karaa Raga wareegyadda ugu horreeya ka gudbaya ee heli-dona codad Macquul ah oo u Saamaxaya in ay u gudbaan wareegyada kale 

Aniga oo kaashanaya waayo aragnimadeyda iyo xusuusyo aan goob-joogga u ahaa ayay ii muuqataa in Sadex qodob Suurta-gal ka dhigi karto in Wareegga ugu dambeeya ay isku arki-doonaan Farmaajo (waa haddi u tartanka galo) iyo Dani oo halkaas ugu dambeyn xildhibaanada go’aamin doonaan Madaxweynaha JFS  

Xulafaysiga Dani iyo Axmed Madoobe Cidna kama qarsoona in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland yihiin xulafo siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin Doorashadda soo socota iyo sida ay u wajahayaan , Waana marag ma doonto in lagu go’aamiyay Shirarkii ka dhacay Kismaayo iyo Garoowe Cidda Sanadkan ka mid noqon doonta Liiska Xildhibaanadda.

Labada Gole ee Matali-donna Labada Dowlad Gobaleed Jubbaland iyo Puntland, Halka Codkooda uu aadi doonanna waa qorshe ka hor Doorashadda layska meel dhigay oo Miiska Saaran , Waa arinta koobaad ee ka dhigeysa Musharax Banaankiisa ku dhacay oo Wareegga ugu dambeeya gaari-donna maadama uu heysto xildibaanno 100% uu hubo Madaxweyne Dani halka Codkooda ay aadayaan , Fursad Waqti dheer uu ka soo shaqeeyay oo marqaati ma doonto ah waaye .

Dhinaca kale, Cududda aan mideysneen Ee midowga Musharaxixiinta; in ka badan 15 musharax oo u badan marka laga hadlaayo xisaabta Beelaha hal dhinac ayaa ku mideysan Midowga Musharixiinta , waa kala aragti iyo kala olole mana jirto kalsooni ka dhexeysa ama Musharax ay ku mideysan yihiin oo awoodda ay isugu geyn-doonaan oo ay shaaciyeen, balse qof walba waxa uu wataa qorshe iyo dan isaga u gaar ah, oo waa suura-gal sidan sii ahaadaan, waana fursad weyn oo uu heli doonno Deni, laakiin waxaa xusid mudan oo la sheegay oo aan la garaneyn dhaqan galkeeda in Xasan Shiikh Iyo Shiikh Shariif ay ku heshiyeen in midki cod bata u kan kale ugu shubo.

Madaxweyne Dani oo Kooxdan mararka qaar danta ay mideyso isku-mowqifna ay noqdaan , balse qorshe ayaa meel u yaalla oo qof walba waxa uu si caadi ah u wataa ololihiisa , mid walbana waxa uu garab u noqon donna DANI oo labdii cod uu helo waxa uu dhihi-donna Wasiiradda reerkeyga aan soo xulo ama anigga codad badan keenne Raysal Wasaare aan noqdo , waa Cabirka macquulka ah ee Kooxdan ku soo dhammaan doonto Danni Fursadda u ah

Dani oo lagu tilmaamo qof marka aragti uu iibinaayo Muujiya Dulqaad iyo Samir badan ayaa Saameyn aan qarsooneen ku leh Shirka Muqdisho ka socda , Waxa uu heystaa ugu yaraan labo dhinac oo uu Sadex ku yahay oo uu si Fudud aragtidiisa ku qaadaneysa ama taageereysa.

Dhanka kale, war aan sidaas loo xaqiijin-karin ayaa sheegaya in Fahad Xaaj Yaasin u markaan xulasho kolba dhinac maskaxdiisa u rog-rogaaya oo laba nin kala doorasha-dooda u ku jiro, oo ah inu Maxamed Farmaajo doorashadiisa wax ka sii hogaamiyo iyo inu jiro musharax kale geem u la ciyaaraayo.

Maxamed Farmaajo iyo kooxdiisa illa hadda waxaa la aaminsan-yahay iney ku kalasoon-yihiin inta badan codadka Konfur Galbeed, halka sadex meelood xildhibaanada Galmudug ay meel kaliya ka helayaan, isla markaana dhinac Hirshabeele ay u badan-tahay inu ka helo tiro aan sidaas u badneyn waayo waxaa la saadaalinaya saameynta u ku yeelan-doono Farmaajo xildhibaanada halkaas ka soo baxaya ay aad u yartahay, waxaa kalo warka loo badinaya in xildhibaanada Waqooyi galbeed cod bixintooda inta badan ay ku xirantahay murashaxi si fiican gacanta ugu qooya, waayo iyagu ma kala jecla qofki soo baxaya, walow sheekada loo badinaayo in beelaha Gadabuursi iyo Ciise mooye iney inta kale qabiil daacayaan ama ka goos haystaan dhinaca siyaasada Reer Puntland.