Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hawo Nimay Fogeysaba Dan Baa Hoos U Soo Celin .. Rooble Qodobadiisi Dulmi Raadiska Ee Shirki Wada-Tashiga Oo Irbad Dun Galin-waayey ..Tirada Qodobadi Ololihiisa Ee Lagu Riday God Xaar

Sunday - January 9, 2022



Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la soo geba-gabeeyey .. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo amniga kadib dood socotay Lix maalin, .. Qodobada ugu muhimsan ee shirka ka soo baxay waa qodobka la xariira amniga madaxtooyada oo ujeedadiisu tahay in aan Raiisla wasaarha lagu dhex weerarin xarunta madaxtooyada ee u ku shaqeeyo oo xilkaas waxaa loo daayay ciidamada Amisom

Laakiin wada-tashigaas iyo go'aamadaas shirka ka soo baxay waxaa cadaatay in illa 7 Qodob oo Rooble hadba dhinac kaga dhufanaayey ololeyntiisa ay ka socn-weyday dhinaca maamulada dawlad goboleedyada qaarkood, taaso keentay in Rooble meel u wax ka qabto waayey, sidaa daraadeedna khasab ay noqotay in muranka qodobadaas laga gudbo

Qodobadaas la kashifay oo laga diiday Roole waxaa ka mida:

1. In Amniga iyo wax kabedel-kiisaba uu xilligan xaq u leeyahay Ra’isul wasaare Rooble !

2. In Golaha uu cambaareynayo afgambigii Md Farmaajo lagu eedeeyey ee dhacay 27-kii December 2021!

3. In Doorashada Laga dhigo hal deegaan doorasho !

4. In La laalo ilaa 10 kursi oo muran ku jiro natiijadooda !

5. In Beesha caalamka ay qas-wade u aqoonsato qofkii loo arko in doorashada ka socon la’dahay !

6. In Akoon la yaqaano loo sameeyo doorashada !

7. In RW Rooble ku saxan yahay guddiyada uu kala diray, lana soo doorto guddoon cusub oo FEIT iyo mid xallinta khilaafaadka ah !