Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

You Can Deceive All The People Once In Life Time But Not All The Peaple All The Times .. Khudbadi Bujuubajaaga Ee U Daldalay Farmajo Oo Noqotay Mid Garadki Laga Miirtay

Monday - January 10, 2022




Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa goor-dambe xaruntiisi Villa somaliya ka jeediyey khudbad kooban oo meelo kala duwan taabaneysa, nuxurka ugu weyn ee khudbadiisa waxay ahayed soo dhaweyn heshiiski doorashada lagu gaaray golaha wada-tashiga qaranka ee lagu soo gabgabeeyey Mogdisho .. Maxamed Farmajo waa u ku khasbanaa inu heshiiskaas soo dhaweyntiisa ku dhiirado maxaa yeelay wuxuu u arkaayey in Rooble tabcadi u la damacsanaa Villada ay meesha ka baxday.

Hasa-ahaate Madaxweyne Farmaajo, khudbadiisa inteeda kale Been ayuu dal-dalaayey oo ma ahayen wax nagu cusub balse inta badan hadalkiisa iyo waxbaan qabtay ma ahayen wax guud ahaan inta badan bulshada ka gadmeysa, hadalkiisana waxaa lagu tilmaamay Af-Waa amase garan-waayey qaabka u ku sharaxayo doodiisa. 

Akhristow, Ma jiraan wax daahsoon, waayo horay ayaa looga bartay dhaqanka Farmaajo inu yahay Nin waxa uu ku hadlo ay been-tahay, waxa uu amro ay dhagar-tahay, waxa uu bixiyana ay laaluush tahay, jid gala iyo mid ka baxa ma laha, cabsi iyo caburin ee khasab igu doorta iyo horomarki shaqadi dalka oo meel ay Shan-Sano ka socoto aysan jirin, dalkiina waxaa maamulkiisi kufsaday kuwi laga ilaalin jiray iyo mooryaan ee dhul jiifka ahaa , wuxuu meel-kasta qotomiyey kuwa Rife iyo Rife kal-kaal ah oo maalinba meel sidi gabar walaca oo maalin walba ciida meel ka gurata

Maxamed Farmajo oo wuxuu xeeriyo aan jirin madaxnimadiisi waxay si xumaatay markay sidii Waraabihi gaboobay ee ilmihiisi ku yiri dhinacna ha ila kicina ee ila waregeeysta inta ay naftu iga baxeyso .. Teeda kale Farmaajo waa nin si toosa talaaba-kasta ula tashada Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki, wuxuuna wax kasta ku dhaafsanaya in lagu hayo xukunka .. waxaana akhristow halkaa ku kala tagey isaga iyo dawladnimo iyo qaranimo .. Waa kaas Farmaajo.