Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Hiiraan Iyo Xawaadle Horaa Haadka Loo Waray .. Fahad Ibtilada Abuura Oo Ciidamo Ku Sii Uruursanaaya Baladweyne Bal Si Kubada Goolka Ugu Gasho .. Hoheey Horinti Gaal-Jecel Miyaan Hebel U Nooleyn

Wednesday - January 26, 2022



Beledweyne - War naga soo gaaray dhinaca Baladweye, ayaa lagu sheea in Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa maanta laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Sida u xaqiijiyey sarkaal markaas joogay garoonka mogdiso ayaa cadeeyey in Diyaaradda oo sidday askar gaareysa illaa 60 askari oo hor dhac ah ayaa saaka ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, warku wuxuu intaa ku daraa in ciidamadan ay ku biiri-doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee horay u joogay magaaladaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan ciidamada sugaya amniga doorashada kuraasta taalla gobolka Hiiraan oo ah 25 xubnood iyadoo ujeedka ciidamada halkaas la geeyey ay tahay in halkaas si kasta ay noqotaba u kursi ka soo helo Fahad Yaasiin .. Fahad Yaasin waa ninka injineerinaaya hawlgalka doorashada inta badan maamulada iyo ggaar aaan tan Baladweyne

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyey halkaasi uu bixiyey madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii u dambeeyey toos faraha ugula jiray arinta Beledweyn.

Laakiin dhinaca kale iyo xogo aan hoos ahaan u oganay ayaa sheegeysa in R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu aad uga carooday ciidanka loo daabulay Beled weyne .. Rooble ayaa isagoo taas ka duulaya waxa lagu wadaa inuu xilka qaadis ku sameeyo saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka qaarkood sida xogaha ay tilmaamayaan .. La-taliyeyaasha gaarka ah ee Rooble ayaa waxay kulan gaar ah yeesheen iyadoo Maxamed Xuseen Rooble ay ubadan tahay in xilka uu ka qaado Taliyaha Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka dhulka general Maxamed Tahliil Biixi.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa la amray in xilka qaadista labada sargaal uu soo saaro taas oo ka timid soo jeedinta R/wasaare Rooble.