Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xaaska Raiisal Wasaaraha Baakistaan Oo Loo Haysto Iney Sixi Miciin Biday .. Waa Tuma Bushaara Bibi Ee Awooda Sixirka Aan Caadiga Ahayen Lagu Eedeyey

Saturday - March 26, 2022




Eedeymo Sixir, Xatooyo iyo Musuqmaasuq ah ayaa hareeyay Pakistan iyadoo dalkaasi uu wajahayo xilli adag oo lagu wado in codka kalsooni darrada loo qaado Ra’iisul Wasaare Imran Khan.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa saddexaad oo la yiraah Bushra Bibi, oo sidoo kale loogu yeero Bushra Riaz, kuma cusba in lagu eedeeyo arrimo yaab leh, balse
Balse markan xaalku si kale ayuu noqday oo waxaa hadda loo heystaa eedeymo Musuqmaasuq iyo Sixir ah.

Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta yeeshay kalfadhi muhiim ah, iyadoo qaraar codka kalsooni darrada loogu qaadayo Ra’iisul Wasaare Imran Khan la soo saari-doono,Waxaana jirta dacwad cusub oo ku saabsan in Bushra Bibi ay isku dayeyso inay badbaadiso dowladda Imran iyadoo adeegsaneysa sixir.

Shahbaz Sharif, Hoggaamiyaha Mucaaradka Pakistan isla markaana ka mid ah dadka ugu cadcad ee Raysal Wasaare-nimada u tartamaya, ayaa sheegay in hilib aad u badan oo Sixir ahaan loo adeegsanayay lagu gubay guriga Imran Khan.

Hadalka Shahbaz Sharif wuxuu toos ugu socday Bushra Bibi, oo dhowr jeer oo la sheegay in hore Sixir loogu eedeeyay.

Shehbaz Sharif ayaa wareysi uu siiyay telefishin gaar loo leeyahay wuxuu ku sheegay in dadka saboolka ah ay dhibtoonayaan carruurtuna caano u oynayaan, balse digaag badan Sixir ahaan loogu gubay deegaanka Bani Gala.

 Pakistan ayuu xaalkeedu qasnaa tan iyo markii xisbiyada mucaaradka ay baarlamaanka u gudbiyeen codka kalsooni darrada in loo qaado raysal wasaaraha, iyagoo sheegay dowladda Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaaf ay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka iyo sicir bararka.

Imran Khan, ayaa sheegay inuusan is casili doonin, inkastoo ay jiraan baaqyo uga imaanaya mucaaradka oo ku aaddan inuu xilka banneeyo maaddaama uu ku soo fool leeyahay mooshin isaga ka dhan ah, kaas oo noqon doona caqabaddii ugu weyneyd ee soo marta tan iyo intii uu xilka qabtay sanadkii 2018.

Waa tuma Bushra Bibi? 
Sanadkii 2018, Khan ayaa guursaday Bushra Bibi iyadoo magaalada Lahore loogu dhigay xaflad aysan dad badan kasoo qeyb gelin .. Khan ayaa xilka raysal wasaarenimada qabtay lix bilood kaddib guurkooda.

Bushra Bibi waxay ka mid tahay dadka dalkaasi laga aaminsan yahay inay leeyihiin awoodo aan caadi ahayn oo u gaar ah .. Gudaha Pakistan waxaa looga yaqaanaa Pinky ‘pirni’ (haweeney barakeysan) ama Pinki Bibi.

Khan ayaa la sheegay inuu “la talin awoodda aan caadiga ahayn” u doontay haweeneyda barakeysan .. Si ka duwan labadii xaas ee hore ee Khan, Jemima Goldsmith iyo Reham Khan, Bushra Bibi inta badan kama soo muuqato bulshada dhexdeeda.