Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Qosolka Wuxuu Furfura Dabeecada Qofka Oo Uu Ka Kaxeeya Carada Iyo Murugada .. Ee ILa Qosol

Tuesday - March 29, 2022





Labadi Indhoole Ee Dagaalameysay:

Labo nin oo indhoole ah baa maalin is dagaaleen, waana la kala celin waayay, mid cabtooy ah oo wadada dhinaceeda maraayay baa arkay dad badan oo meesha buuxaan, mid buu waydiiyay waxa meesha ka dhacay, waxaa lagu dhahay, labo nin oo indhoole ah baa saakay ilaa hada la kala celin la’ayahay, wax kala celiyo baa la waayay, cabtooygii baa intuu aad u qeyliyay dhahay, “aniga waxaan la jiraa kan mindida heysto” labadii nin way kala boodeen midba meel ayuu u cararay iyagoo midba midka kale u maleeyey inu Toorey haysto

Mid Kale: Sheekadii Daanyeerka:

Ninbaa waxuu tagay carwada markaaso waxuu arkay inti xaywaan aheed meesha joogeen ayago qoslaaya ilaa hal Dameer moyee .. Ninkii maalinta ku xigtay maalintaas ayuu carwadii tagay waxu arkay Dameerki oo qoslahaya marka waxuu weydiyey ninka Dameerka lahaa sidee ku dhacday Dameerkaan maanta kaligiis ayuu qoslahayaa shalayna wuu aamusnaa markaa ninki Dameerka lahaa baa waxuu yiri shalay ayaa daanyeerka sheeko qosol ah sheegey balse maanta ayuu fahmay dameerkaan

Midkale : Adeer Cadayga Qaar dabada Iiga Jebi

Maalin baa Gabar reer Xamar ah oday reer waqooyi ah waxay ku tiri adeer cadayga qaar dabada iiga jebi markaasu intuu yaabay oo geesaha fiiriyay ku yiri naa deeh hadaaan kaaga jabiyo dabada soo ku xanuuni-meyso