Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa "Qaybti Lixaad" Taxanaha Akhbaarti Facda Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Gabadhi Quruxda Badneyd Ee Jaceylkeeda Lagu Hungoobay .. Oo Gabadhu Maxay Ahayed?

Saturday - April 9, 2022




Waxaa jirtay Gabar aad iyo aad u qurux badan indhihi arkana jecleysanayaan .. Gabadhi waxaa arkay wiil dhallinyaro ah waana jeclaaday, wuxuu u yimid Aabihi oo ku yiri Aabe maanta Gabar qurx badan baan arkay waan jelaaday waxaan raba inaad ii doonto .. Aabihi oo ku faraxsan codsiga wiilkiisa wuxuu si toosa u abaaray gurigi gabadha .. Odagi marku arkay Gabadhi waaba ka helay quruxdeeda, dabadeedna intu wiilki ku soo jeenstay ayuu yiri Aabe Gabadhaan adiga uma qalantiid oo waxaa tahay wiil yar, balse waxay u qalanta Nin weyn oo dhaqi-kara adiguna waxaa tahay wiil yar.

Wiilki oo ku qanci-waayey soo jeedinti aabihiis, dood ka dib waxaa la isula tagay sarkaalki saldhiga Poliska oo arinti u soo bandhigeen , sarkaalki wuxuu yiri gabadha keena aan arke saan idiin kala saaro .. waxaa la keenay Gabadhi, dabadeed marku sarkaalki gabadha arkay waaba ka helay oo suuxi gaaray, kadibna wuxuu yiri: si fiican ii dhageysta Gabadhaan labadiinaba uma qalantaan, keliya waxaa u qalmi-kara ninka naftiisa habeen iyo maalin dalka u shaqeeya ninkaasna waa Aniga.

Arinti oo qir iyo qir istaagtay, waxaa markaan laysula tagay Qaaligi maxkamada magaalada, waxaa halki lagu soo bandhigay wixii la isku haystay ee ahaa gabadi quruxda badneyd, laakiin Qaaligi wuxuu yiri gabadha ha la keeno maxkamada isla markiiba waa la keenay .. Qaaligi marku arkay gabadhi asna horay ayuuba ka jeclaaday oo yiri: maya maya intiinaba gabadhaan uma qalantaan ee run haddi la rabo aniga u qalma, waayo ayuu yiri gabadhaan waxaa kaliya masuulyadeeda qaadi kara nin xakiim ah oo shareecada dadka ku kala saara.

Arinti meel xun ayey gashay iyo ugu dambeyen waxaa laysula tagay Amiirki magaalada ka talinaayey, si arintaan xal loogu helo .. Gabadhi oo la keenay kadib Amiirki oo arkay ayaa isagiina dhiniciisa ashqaraar caashaq galay oo ku dhagiigay gabadhi qurux-leyda ahayed ayuu si amar ah ku yiri: Waryaaya gabadhaan aniga ayaa u qalma oo dalkaan ka taliya ee socda ayaan idin leeyahay .. isla markiiba Gabadhi qurux-ley ayaa soo booday oo tiri:Aniga Xal Haya, waxaana xal ah: waa ordayaa idinkana waa iga soo daba ordeysan waxaana ii guursanaaya ininki i soo qabta .. wey wada ogolaadeen, dabadeed sidi loo ordaayey ayey shanti gabadha isku haysatay waxay hal mar ku waada dhaceen God dheer .. Gabadhi ayaa soo kor istaagtay waxayna Tiri: Waryaaya waa adinka iga dabacararye horta ma ii taqaanin .. Aniga waxaan ahay aduunyo waana qurx badanhay qof walbana waa ii jeclyahay inu i helo, laakiin ma jiro qof i helaya, balse qofki isku dayana inu i helo wuu dhimanaya.

Fiiro Gaara: Sheekadaan waxaa ku jirta xikmad Gabadha ay dadku wada jeclyihiin waa Aduunyada oo aduunyadu aad bey u qurux badantahay dadkuna waa wada jeclyihiin waana laga wada dhimanaya oo lagu waarimaayo .. Marka ayaan la isku dhibin aduunyo yaan la raac-raacin oo mar walba ha laga fikiro tan aakhiro, maxaa yeelay aakhiro ayaa ka sii qurux badan oo aan laga dhimaneyn