Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qaybti Todobaad " Waa Taxanihi Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Ogoow Alle Wuxuu Wanaaga Ku Soo Mariya Meel Aadan Ka Filaneyn

Tuesday - April 12, 2022



Nin ayaa maalin maal-maha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib-matey, dhamaan dadkii oo idil waxeey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane

Ninki Xeeb ayuu kusoo gaarey si naf la-caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iskaba daaye .. Rafaad iyo silac fara-badan kadib ayuu wuxuu bilaabey inuu dhisto Daash isago oo soo uruursadey xaabo, laakiin meesha Gaajo ayaa ku dubatay wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la-cuno leh .. Hase ahaatee wuxuu dib ugu soo laabtey Daashkii oo gubanaaya, markaas buu wuxuu yiri:- Allow Maxaa sidaan igu gashay

Habeenkii isago ka xun dhibka gaaray wuxuu seexdey Daashkii uu dhistey meel aanan ka fogeyn, subixii ayuu wuxuu ku soo kacey qeylada markab soo gaarey goobtii uu joogey

Raggii Markabka saarnaa ayaa soo bad baadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri:- War Niman-yahow sidee ku ogaateen inaan joogo goobtaas

Waxeeyse ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney Qiiq iyo Holac hawada isku shareerey, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u baahan caawinaad ee ina keena, sidii ayaa kuugu imaaney kuguna soo bad-baadiney

Fiiro gaar ah:- hadaba Ilaahey (SW) wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan fileeynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go’aankiisa

Ninkaan wuxuu ka xanaaqey Daashkii laga gubey balse Ilaahey (SW) wuxuu dabkaas ugu badaley bad-baado iyo isago oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey

Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la’aan is dhiibno, lagana yaabo inuu Ilaahay (SW) wanaag noo soo wado

Sidoo kale ku darso nabiyullaahi yuusuf (caleyhi salaatu wasalaam) dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis marsiiyeen ilaahey wuxuu ugu badaley inuu noqdo boqorka ama casiiska Masar.