Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Sir Fakatay .. Madxweyne Ku-Xigeenka Jubaland Oo La Kulmay Gudoomiye Aadan Madoobe Iyo Xog Sheegeysa In La Qaatay Xildhibaanadi Cee-Waaq Laga Soo Doortay

Friday - May 6, 2022




Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan .. Madaxweyne ku xigeenka ayaa Arbacadii soo saaray magaalada Muqdisho, 
wuxuuna safarkiisu ku qotomay ka shaqeynta qaabkii loo fasixi lahaa 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo ka soo galay golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda muran la geliyey, kadib markii kooxda Farmaajo ay 16 xubnood oo kale ay ku soo dhiseen Garbahaarey.

Xogo hoose oo laga helay kulankaas ayaa sheegaya in Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ay aad u gorfeeyeen, sida loo maareyn-karo khilaafka ka taagan doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo oo ay isku heystaan 32 xubnood oo lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxaana si gaara loo xusay in Gudoomiyey Aadan Madoobe iyo labada ku-xigeenadiisa ay aragti ahaan isla qaateen in Xildhibaanada laga soo doortay Ceel-Waaq ay iyagu sharci yihiin xaqna u leeyihiin iney ka qayb galaan codeynta doorashada madaxweynaha, waxaana arintaa lagu saleeyey in guddiga doorashada gobolka ay iyagu leeyihiin awooda qabashada doorashada oo iyagu ceel-waaq ku qabtay doorashadaas, halka guddiga doorashada Fedaraalka ay sharci ahaan hawshoodu ku egtahay kormeer iyo ogaansho oo micnuhu yahay ma maamuli-karaan doorasho .. Dhinaca kale lama sheegin qaabka u Aadan Madoobe Ugu dhawaaqi-doono go'aankaas la xariira xuldhibaanada Ceel-Waaq, balse waxaa loo badinaya maalmaha soo socda inu xag baarlamaanka si gacan taaga u marsiin-doono.