Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

In Badan Baa La Isku Dhuuntay Oo Qiiq La Isku Qarinaayey Balse Wa La Kala Miir-midoona .. Buundaad Musharaxiin Cantara- Baqash Qubeysa Isla Soo Taagaya Waxbaad Sheegi-doontaan Oo Is-Diwaan Galiyey

Monday - May 9, 2022




Hogaaminta Waa Hibo Eebo Baxsho .. Tiro illaa 30 musharax oo u badan cantara-baqash, Rasuulo soo daahiray iska digaaya ayaa illaa hadda ku dhiiratay is diiwaan-galinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka .. Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, halka u maanta shahaadadi musharax-nimada qaatay Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo weli u soo ooyaaya inu mar kale Faraha ku dhigo Villa Somaliya .. Midiyaha waxaa loo sita maanta yaadan qadine, waxaase kuwa badan ku dhici-doonta sidi Dhurwaagi Kudmo doontay ee isagi la soo kuday .. dhaban haysta maanta dhacday waa musharaxiinta is aruursatay oo ah kuwi Bari iyo Galbeedka somaliya suray Gaas iyo kibriid iyo Gobti oo dhinaceeda ka aamusan.

Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.

Xubnaha maanta is-diiwaangeliyey ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Daahire Aweys, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) iyo Cabdulaahi Cali Axmed( Cadoow Cali Gees) iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.